DAAWO BOQOR BURHAAN “WAXAAN AAD UGA XUMAANAY DUULAANKA QAAWAN OO AY DAWLADA DHEXE KUSO QAADAY DDSI”

05 Aug 2018 (Puntlandes) Boqor Burhaan Boqor Muuse oo kamid ah Isimada Soomaaliyeed ayaa shir jaraaid oo uu maanta ku qabtay Magaalada Qardho ee Xarunta Dhaqanka Soomaaliyeed, kaas oo uu si adag uga hadlay Ciidankii ay dawladda fadaraalka Itoobiya ku weerartay xarumaha Dowlad Deegaanka soomaalida Ehtopia (DDSi) ee Jigjiga.

45a2a8

Boqorka ayuu wuxuuna shirkiisa uga hadlay dhibaatadii ka dhacday shalay DDSI gaar ahaan Magaalada jig jiga iyo dagaalka qaawan ee ay qawmiyadda Oromadu ku hayso shacanbka Soomaaliyeed ee Itoobiya.

Boqorka ayaa yiri “Dawladda dhexe ee Itoobiya meeshii ay Jigjiga kaga soo duulayso waxay ahayd inay wax ka qabato maamul goboleedka Oromiya iyo dhibtii uu ku sameeyey ummadda Soomaaliyeed, meeshii la sugayey inay dhibkaas wax ka qabtaa ayey dhul nabad ah, deegaan nabad iyo magaalo nabad ah ayey ku soo duuleen, aad iyo aad baanu u cambaaraynaynaa w aanuna ka xunahay”

Daawo shirkii Jaraaäid ee Boqorka

Puntlandes.com

About The Author