Akhriso Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Garsoorayaasha Maxkamadda sare ee dalka

09 Aug 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farrmaajo ayaa wareegto uu maanta soo saaray ku magacaabay Garsooreyaasha Maxkmadda Sare ee dalka, keddib soojeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed.

44a9a10

Garyaqaannada uu Madaxweynuhu u magacaabay xilalka Garsoorenimo ee Maxkamadda Sare ayaa ah:

– Garyaqaan Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe.

– Garyaqaan Maxamed Cumar Axmed.

– Garyaqaan Cabdalle Macalin Maxamed.

– Garyaqaan Xaydar Barqash Abukor.

– Garyaqaan Axmed Cali Muuse.

Madaxweynaha ayaa isla wareegtadan xilalkii Garsoorenimo ee Maxkamadda Sare kaga qaaday xubnaha kala ah:

– Mudane Sheekh Abuukor Cismaan Macalin Daahir.

– Mudane Maxamed Maxamuud Maxamed.

– Mudane Maxamuud Axmed Faarax.

– Mudane Sheekh Cumar Aadan Maxamed.

– Mudane Cabdinaasir Seeraar Axmed.

– Mudane Axmed Maxamed Sheekh Ibraahim.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeeyey garsooreyaasha uu magacaabay in ay dhawraan sarreeynta sharciga dalka iyo in ay si siman ugu adeegaan shacabka.

Tallaabadan uu qaaday Madaxweynaha ayaa ku qeyb ka ah ballanqaadkiisii hore ee ku saabsanaa in uu dib u habayn ku sameyn doono nidaamka garsoorka dalka oo kamid ah qorsheyaasha ugu muhiimsan ee dowladda horyaalla.

Puntlandes.com

About The Author