Imaaraadka oo dhisaya dhuun shidaal oo isku xira Itoobiya & Eritrea

11 Aug 2018 (Puntlandes) Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa qorsheynaysa inay dhisto dhuun shidaal oo isku xira dalalka Itoobiya iyo Eriteroa  Eritrea gaar ahaan magaalada Dekeda leh ee Assab, iyadoo tani ay calaamad u tahay saameynta wadamada Khaliijka ay ku yeelanayaan dalalka Geeska Afrika.

44d5

Itoobiya ayaa bishii June bilowday inay si tijaabo u soo saarto Saliideeda oo laga helay Koofurta Itoobiya, gaar ahaan Gobolka Soomaalida, waxaana ay u baahnaan doonta in loo maro Eritrea si ay u dhoofiso.

Warbaahinta dowladda Itoobiya ee Fana ayaa shaacisay kulan dhex maray Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed iyo Wasiiru dowlaha arrimaha Iskaashiga Caalamiga ee Imaaraadka Carabta haweeneyda lagu magacaabo Reem Al Hashimy, kaasoo looga hadlay qorshaha Imaaraadka Carabta ku maalgelinayo dhuun shidaal oo isku xiri doona magaalooyinka Addis Ababa iyo magaalada Assab.

Tallaabada Imaaraadka Carabta ku dhisayo dhuun shidaal oo isku xirta Addis Ababa iyo magaalada Assab ee Ertirea ayaa qeyb ka ah heshiisyo saddex geesood ahaa oo dhex maray dowladaha Imaaraadka, Itoobiya iyo Eritrea.

Imaaraadka Carabta ayaa door weyn ku lahaa heshiiskii dhex maray Itoobiya iyo Eritrea oo ay ku soo afjareen colaadii 20-ka sano u dhaxeysay, waxaana labada dal u bilowday xiriir diblomaasiyadeed iyo iskaashi.

Is bedelada ka socda Gobolka ee ku saleysan loolanka juquraafiga ayaa u muuqda mid marba marka ka dambeysa ay saameyntiisa ay sii xoogeysaneyno, iyadoo Imaaraadka uu si weyn u wado olole ka dhan ah dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti.

Puntlandes.com

About The Author