Daawo Axmed Madoobe oo si adag uga hadlay Saraakiishii Nabadsugidda ee ay DFS usoo magacawday Jland lagana celiyay Kismayo

15 Aug 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta dib ugu laabtay magaalada Kismaayo, kaddib safaro uu ku tagay dalalka Kenya iyo Itoobiya ayuu kaga hadlay arrimo ka mid ah Ammaanka.

Axmed Madoobe ayaa ka hadlay Taliyeyaashii NISA ka socday ee shalay lagu xiray Garoonka Kismaayo, saakayna uu maamulkiisu u masaafuriyey magaalada Muqdisho, isagoo ku dhaliilay dowladda Federaalka in aanay maamulkiisa kala tashan.

Waxaa uu sheegay in maamulkiisa aan lagala tashan Taliyeyaasha la soo magacaabayo, taasoo ka hor-imaanaya heshiisyadii amniga ku saabsanaa ee ay wada gaareen dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in nasiib darro ay tahay in dowladda Soomaaliya qeyb ka noqoto amni darada ka jirta dalka.

Is faham waaga u dhaxeeyay dowladda Federalka iyo maamulka Jubbaland ayaa muddooyinkii u dambeeyay isa soo tarayay, iyadoo uu xumaaday wada shaqeyntii labada dhinac u dhaxeeyay, waxaana jiray eedeymo uu Axmed Madoobe u jeediyay dowladda Federaalka oo ahaa inay faragelin ku heyso maamulkiisa.

Maalintii shalay ayay aheyd markii Ciidamada Ammaanka Jubbaland ay ku xayireen Garoonka Kismaayo Labo sarkaal oo Hey’adda NISA u magacawday Taliyaha Nabadsugida Jubbaland iyo kuxigeenkiisa, waxaana saaka saraakiishaas dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho.

Daawo muuqaalka Axmed Madoobe

45a7a3

45a7a4

45a7a5

45a7a6
Puntlandes.com

About The Author