Madaxweyne Farmaajo oo berri booqan doona Dalka Jabuuti

15 Aug 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalak Soomaaliya Mudane Maxmed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa maalinta barri ah in ay u amba-baxaan dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, si uu u qaboojiyo xiisada ka dhalatay safarkii uu bishii hore ku tagay Eritrea.

45a8a3

Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirika Warbaahinta Madaxtooyada Soomaaliya Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa xaqiijiyey in Madaxweynuhu berri u safrayo dalka Jabuuti.

Xiriirka labada dal ayaan fiicnayn tan iyo markii madaxweyne farmaajo booqashada ku tagay dalka Eritrea, uuna ka codsaday golahaamaanka ee UN ka inay cunoqabataynta ka qaadaan Eritrea Dowladda Jabuuti ayaa walaac ka muujisay hadalkaas iyo safarka madaxweynahaba.

Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata mid u janjeersatay Isbaheysiga Eritrea iyo Ethiopia ee dhowaan xulafada la sameystay Imaaraadka iyo Sacuudiga.

Is bedelada ka socda Gobolka Geeska Afrika iyo loolanka loogu jiro dalalka ku yaalla Badda Cas ayaa ka mid noqday saameynta ugu weyn ee ay wajaheyso Soomaaliya.

Puntlandes.com

About The Author