Warbixin: Magacaabista mas’uuliyiinta Hey’adaha Amniga & Madaxtooyada

16 Aug 2018 (Puntlandes) Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa is bedel ballaaran loogu sameeyay Hey’adaha amniga dalka iyo Agaasinka Guud ee Madaxtooyada.

45a8a5

Arrimaha lama filaanka ee dhacay ayaa ahaa in Agaasimihii Madaxtooyada Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo lagu tilmaamo shaqsiyaadka saameynta ku leh dowladda loo magacaabay xilka Agaasime kuxigeenka Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka oo muddooyinkii u dambeeyay qalalaase ka jireen hey’adda, kaddib shaqo joojintee Kuxigeenada Hey’adda.

Wareegtada ayaa waxaa xilka looga qaaday Taliye kuxigeenada Nabadsugida ee kala ahaa Cabdalla Maxamed Cabdalla iyo C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac), kaddib markii bil ka hor uu shaqo joojin ku sameeyay Taliyaha NISA Xuseen Cismaan Xuseen.

Marka loo eego halka la keenay Fahad Yaasiin iyo goobta laga soo wareejiyay ee Agaasinka Guud ee Madaxtooyada ayaa ah mid farqi weyn uu u dhaxeeyo, waxaana la is weydiinayaa waxa xilligan ku soo beegay, waxaa muuqata in saameyntiisa dhanka Siyaasadda uu ku lahaa ay yaraan doonto, isla markaana dhanka Ciidanka iyo Sirdoonka u soo wareegay, inkastoo la rumeysan yahay in aanu laheyn qibrad ciidan iyo mid sirdoon.

Dadka ku dhow dhow Fahad Yaasiin ayaa sheegaya in muddo uu ku haminayay hoggaanka Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka, marar badan ay soo baxday warar sheegaya  in xilka Taliyaha NISA loo magacaabayo

Sidoo kale arrimaha kale ee lama filaanka ahaa ayaa waxaa uu ahaa magacaabida Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo laga qaaday Jen. C/weli Jaamac Gorod oo aan xilkan heyn muddo sanad ah, waxaa lagu bedelay Jen. Daahir Aadan Cilmo Indha Qarshe oo horay xilkan u soo qabtay dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxaa kaloo xilka laga qaaday Abaanduulihii Ciidanka xoogga dalka Jen, C/llaahi Caanood, waxaa lagu bedelay Taliyihii Ilaalada Madaxtooyada Odawaa Yuusuf Raagge oo wareegtada lagu dalacsiiyay lagana dhigay Sareeye Guuto, halka markii hore uu ahaa G/Dhexe.

Is bedelka ayaa waxaa uu sidoo kale saameeyay Taliye kuxigeenada Booliska Soomaaliyeed oo mid ka mid ah loo magacaabay qof dumar ah.

G/Sare Zakiya Xuseen Axmed oo sanado ka hor ku biirtay Ciidanimada ayaa loo magacaabay Taliye kuxigeenka Booliska Soomaaliyeed, waxaa ay horay xilal uga soo qabatay CID iyo Waaxda Amniga Gobolka Banaadir.

Aamino Saciid Cali oo horay u aheyd Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada ayaa loo dalacsiiyay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada.

Taliyaha Ciidanka Badda Jen. Maadey Ufurow ayaa xilka laga qaaday, waxaana loo magacaabay G/sare Xasan Nuur Col-ujoog

Is bedelada Madaxweynaha uu ku sameeyay Hey’adaha ammaanka dalka iyo Agaasinka Guud ee Madaxweynaha ayaa ku soo aaday xilli xasaasi ah oo ay jireen hadal heyn ku saabsan in is bedelo lagu sameynayo Taliyeyaasha Ciidamada.

Puntlandes.com

About The Author