Sawirro: Iskuul Farsamada Gacanata lagu barto oo laga furay Degmadaa Bursalaax

17 Aug 2018 (Puntlandes) Maanta oo ay taariikhdu tahay 17/08/2018 ayaa waxay wakiilada Hay’adda Caalamiga ee RHOA USA ku wareejiyeen Maamulka Mashruuca Horumarunta Degmada Bursalaax (BCDO), Iskuulka farsamada gacanta.

Iskuulka ayaa waxaa soo dhamaaday dhismihiisa, iyadoo qalabayntii loogu talagalayna lagu sameeyey.

Munaasabadda oo si heer sare ah loo agaasimay ayaa waxaa ka qayb galay wafdi iskugu jira Isimada Dhaqanka oo uu hogaaminayo Amiir Maxamuud Yuusf Ciise oo u kamid ahaa Ugaas Cabduqadir Cilmi Filig.

Sidoo kale waxaa kasoo qayb galay Wafdi uu hogaaminayey Gudoomiyaha Waxbarashada ee Gobolka Mudug Ahmed Huruuse Xaashi , Gudoomiyaha Degmada Bursaalax Maxamed Salebaan Diiriye, Gudoonka Waxbarashada Degmada Bursaalax Maxamud Cabdiweli Ahmed.

Dhanka kale Odoyaal iyo waxgarad uu kamid ahaa Ahmed Abdulahi Sh.Osman Gafaaje, Shiikh Muuse Xaaji Yusuf , Ahmed Aw Khalaf Siciid Rafle, Aqoonyahan Abdurahman Sh Khaliif Weyrax kana mid ah Gudiga BoD ka BCDO iyo Gudonka Haweenka Degmada , Qaybaha kala duwan ee Bulshada iyo Saxaafadda ayaa kasoo qayb galay.

Dhamaan marti sharaftii ka hadashay oo  isugu jirtay Isimo iyo waxgarad waxay u mahadceliyeen Hay’adda Caalamiga ee RHOA USA oo wax wayn u qabatay Degmaga Bursaalax.

Sidoo kale Agaasimaha Mashruuca BCDO Mohamed Abdul Mursal ayaa uga mahadceliyey RHOA Hirgelinta Iskuulkaan kusoo biiray Qaybaha Mashruuca baahi weyna ay u qabtay bulshadu ayna ka faa’iidaysan doonaan.

Daawo sawirrada

12

1

1a

2

3

4

5

6

7

7a

7b

8

8a

10

11
Puntlandes.com

About The Author