Guddiga difaaca Puntland oo sheegay inay Somaliland…

19 Aug 2018 (Puntlandes) Guddiga difaaca dowladda Puntland ayaa maanta kudhawaaqay in Puntland qaadayso dagaal ka dhan ah Mamuulka Somaliland kaas oo lagu xoraynayo deegaanada ay Somaliland ka haysato Puntland.

45ba2

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdulaahi Timacadde, oo kamid ah guddiga difaaca ayaa madaxweynaha dowladda Puntland inuu bixiyay amar ku saabsan in lasoo xiro xuduudaha Puntland islamarkaana ciidamadu u diyaar garoobaan xoraynta Sool.

 
Wasiirka arrimaha gudaha ayaa beesha caalamka u sheegay inaanay Puntland qaadanayn wax aan ka ahayn in la xoreeyo gobolka Sool, Waxaana marakan Wacad uu ku maray oo uu ku dhaartay Timacadde in Puntland dagaal ay qaadayso oo ay kula wareegayso gobolka Sool.
 

Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa isna sheegay in Puntlan ay ka go,antahay La wareegista gobolka Sool, asagoona ka hadlay warar Somaliland horay warbahinta u mariyeen oo ahaa in wadahadal ay Beesha Caalamku ku xalinayos Xiisadda gobolka Sool.

 
Hadalka gudiga difaaca Puntland ayaa imaanaya Xili bilihii la soo dhaafay Masuuliyiin ka tirsan Somaliland ay Warbaahinta ka sheegeen in uu socdo wadahal u dhaxeeya Puntland iyo Somalailnd kaasoo ah Xal looga gaarayo Colaadda gobolka Sool.

Puntlandes.com

About The Author