Sawirro: Marwada Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Kormeertay Isbitaalka Garowe.

23 Aug 2018 (Puntlandes) Marwada madaxweynaha Dowladda Puntland Drs Hodon Siciid Ciise ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 23 August 2018 waxaa ay kormeer ku tagtay isbitalka guud ee magaalada Garoowe ee caasumada Dowladda Puntland oo ay shaqo qallin ah ka socoto.

Drs Hodon Siciid Ciise Marwada madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa kormeerkaan waxaa ku wehelinayey gudoomiyaha ururka haweenka sagaalka gobol ee Puntland Marwo Khadra Warsame Jaamac.

Dhinaca kale Marwada madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa booqatay qaybaha isbitalka gaar ahaan qaybta qalliinka oo uu ka socdo mashruuc qalliin ah oo ay ka faa’iidaysanayaan in ka badan 300 oo qof kuwaasi oo qalliin looga sameeyey, sanka, bushimaha iyo dhab-xanagga.

Sidoo kale Drs Hodon Siciid Ciise ayaa warbixin ka dhegaysatay takhaatiirta iyo bukaanada qalliinka lagu sameeyey waxaana ay balan qaaday inay ku taageeri doonto deeq lacageed oo lagu baxnaanin doono dadka qalliinka loo sameeyey.

Ugu danbeyn Mashruucaan qaliinka loogu samaynayo dadka faruuran oo ah mid lacag la’aan ah ayna fulinayaan takhaatiir ajaaniib ah ayaa waxaa ka faa’iidaysanaya in ka badan 300 oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah, wuxuuna noqonayaa sanadkii 2aad ee lagu qabto deegaamada Dowladda Puntland.

45c7a1

45c7a2

45c7a3

45c7a4

45c7a5

45c7a6

45c7a7

45c7a8

45c7a9

45c7a10

45c7a11

45c710
Puntlandes.com

About The Author