Mid Kamida Madax Dhaqmeedka Gobalka Sanaag Oo U Goostay Dhinaca Koornayl Caare & Xaalada Amaan Ee Ceerigaabo Oo Faraha Ka Baxday

26 Aug 2018 (Puntlandes) Mid Kamida Madax Dhaqmeedka Gobalka Sanaag ayaa ka goostay maamulka Muuse Biixi isagoo u goostay  kan Jamhadda Col Caare.

45b9

Caaqil Maxamuud Dirir oo ka mida madax-dhaqmeedka ugu caansan magaalada Ceerigaabo iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa xalay ka baxay magaalada iyaga oo u sii jeeda dhinacaa Saldhigga Col. Caare oo ku yaala agagaarka magaaladda Qardho.

Wafdiga uu hoggaaminayo caaqilku oo iskugu jira dhallinyaro, kooxo hore uga tirsanaan jiray SNM iyo waxgarad ayaa waxay ka gadoodsan yihiin maamulka Jeegaanta ee hogaamiyo Muuse Biixi.

Caaqilkan iyo madax-dhaqmeed kale ayaa dhawr maalmood ka hor warbaahinta ka sheegay inuu si xaqdaro ah u xirtay Muuse Biixi Sargaal aan wax dambi ah lahayn.

Daawo muuqaalka

Puntlandes.com

About The Author