Daawo Video: Baarlamaanka DDSI oo ansixiyey Madaxweynaha cusub, xasanadiina ka qaaday 7 xubnoo & qodobo kale oo xasaasi ah

26 Aug 2018 (Puntlandes) Baarlamaanka Dawlad Deegaanka Soomalida ee dalka Itoobiya (DDSI) ayaa maanta ansixiyey Madaxweynaha cusub ee DDSI Mustafa Muxumed Cumar (Cagjar), kadib kulan gelinkii dambe ee maanta ay ku yeesheen magaalada Jigjiga.

45d

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa qodobada ay maanta ansixiyeen ama go’aanka ka gaareen waxay kala ahaayeen:

  1. Ansixinta Madaxweynaha kuxigenka ahna kusimaha madxweynaha DDSI
  2. Ansixinta xubinimada kusimaha madxweynaha ee faderaalka Itoobiya
  3. Xasaanad kala noqosha todobo xubnood oo uu ka mid yahay madaxweynoihii hore Cabdi Maxamuud Cumar
  4. in xisbiga dhexe laga saaro 7 xubnood oo ka mid ahaa xisbiga, kuwaa oo loo soo jeediyay eedeymo kala duwan.’
  5. Ka noqoshada 99 degmo oo cusub iyo 22 ismaamul magaalo oo ay ansixiyeen waqtiyadii u dambeeyey ee uu xilka hayey madaxweynoihii hore Cabdi Maxamuud Cumar.

Daawo muuqaalka Xildhibaanada baarlamaanka

Puntlandes.com

About The Author