Doorashada Gudoomiyaha degmada Garowe & ku xigeenkiisa oo socoto

29 Aug 2018 (Puntlandes) Maanta oo Arbaco ah waxaa xarunta PDRC ee Garowe ka dhaceysa doorashada duqa caasimadda Garowe iyo ku xigeenkiisa, Doorashadan ayaa waxaa ku tartamaya labo musharax oo u taagan qabashada xilka Gudoomiyaha degmada Garowe, kuwaas oo kala ah Axmed Siciid Muuse iyo Axmed Abshir Jaamac.

45f2a

Bidix Axmed Abshir Jaamac: midig Axmed Siciid Muuse oo loo yaqaanaa (Axmed Barre)

Axmed Siciid Muuse oo loo yaqaanaa (Axmed Barre), wuxuu ahaan jiray ganacsade, wuxuuna kamid ahaa asaasayaashii shirkadda korantada ee Garowe ee NECSOM, sanadkii 2005-kii ayuu markii ugu horeysay ku biiray saaxada siyaasadda, isagoo noqday Xildhibaan Puntland, 5 sano kadib mar kale ayaa dib loogu doortay sanadkii 2009-kii waxaana uu Xildhibaan Puntand ahaa 9 sano oo xiriir ah.

Axmed Barre hadda wuxuu madax ka yahay bangiga Iftin qeybtiisa Garowe, dhawaan ayuuna ku dhawaaqay musharaxnimadiisa duqa Garowe.

Axmed Abshir Jaamac oo loo yaqaan (Bakuuke) waa nin ku cusub saaxada siyaasadda, waana aqoon yahan dhalinyaro ah oo bare ka ah mid kamid ah jaamacada Puntland, dhawaan ayuu ku dhawaaqay in uu u taagan qabashada xilka duqa degmada Garowe.

Puntlandes.com

About The Author