Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo Mooshin laga gudbiyay (muuqaal)

11 Sep 2018 (Puntlandes) Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa waxaa qaar ka mid ah Xildhibaanada maamulkaas waxay ka gudbiyeen mooshin xilka looga qaadayowaxaana loo gudbiyey mooshinkaas Guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee baarlamaanka maamulka Galmudug.

47b3

Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed ayaa aqbalay mooshinka laga keenay guddoomiye Cali Gacal Casir, sida ay wararku sheegayaan.

Xildhibaanada mooshinka ka gudbiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa ku sababeeyay in uu gabay shaqadii loo igmaday ayna tahay mid lagama maarmaan ah in lala xisaabtamo.

Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Galmudug Xareed ayaa sheegay in xildhibaano tiradoodu ku dhowdahay sagaashan ay ka keeneen mooshinka guddoomiyaha ayna tahay sharci in laga doodo maalmaha soo socda.

Hase yeeshee guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal ayaa ka horyimid mooshinka laga gudbiyay waxana uu ku tilmaamay mid been abuur ah ayna sax ahayn xildhibaanada la sheegay inay mooshinka ka gudbiyeen.
Daawo muuqaalka

Puntlandes.com

About The Author