Golaha iskaashiga dawlad goboleedyada oo jawaab ka bixiyey go’aankii HirShabelle

19 Sep 2018 (Puntlandes) Golaha Iskaashiga dawalad Goboleedyada Soomaaliya ayaa jawaab ka bixiyey go’aankii uu Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare kula heshiiyey dowladda Fadaraalka.

35c2

Golaha ayaa waxa sheegeyn inuu Waare u madax banaan yahay go’aan ka gaaridda mustaqbalka Maamulkiisa iyo dowladnimada Soomaaliya.

Golaha ayaa sheegay go’ankii uu qaatay madaxweyne Waare uusan waxba ka bedeli doonin mowqifkii iyo go’aanadii golaha ee ku qeexnaa warmurtiyeedyadii 8 iyo 14kii sep 2018..

Waxaa sidoo kale sheegeen in dhibaatada taagan iyo khilaafka ka dhex jira dowladda Federaalka iyo dowlad Goboledyada uu yahay mid ku qotoma Arrimaha Amniga,Kheyraadka dalka , Dastuurka iyo awood qeybiga.
Akhriso War-saxaafadeed

28

Puntlandes.com

About The Author