Sawirro: Madaxweynah Dowladda Puntland oo lacaweeyey Bulshada Ku Dhaqan Degmada Badhan

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa oo taariikhdu tahay 20 Sep 2018 waxaa uu Dagmeda Badhan bulshada ku dhaqan kula caweeyey mid kamida meelaha ay bulshadu ku caweyso.

Madaxweynaha Dowladda Puntland waxaa ku wehelinayey kulankan qaarkamida goloyaasha Dowladda Puntland, saraakiil katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland, maamulka Degmada Badhan iyo kan Gobolka Sanaag.

Madaxweynaha ayaa waxaa uu kulan laqaatay qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Degmada Badhan sida dhalinyarada, cuqaasha, ururada bulshada, waxayna isweeydaarsadeen fariimo katurjumaya sidii la iskaga kaashan lahaa horumarka Degmada Badhan iyo tan Gobolkaba.

Dhinaca kale dhalinyarta Degmada Badhan ayaa madaxweynaha uga warbixiyey baahiyaha gaarka ah ay qabaan sida dhanka waxbarashada, waxayna dhalintu muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin kulankan ay laqaateen madaxweynaha Dowladda Puntland.

Ugu danbeyn Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhalinta Degmada Badhan kula dar daarmay in ay muhiimadda siiyaan waxabarashada iyo sidii ay horumarka uga shaqayn lahaayeen, isla’markaana waxaa uu madaxweynuhu dhalinta u sheegay in mustaqabalka gobolka iyo tan degmadaba ay kaalin lixaad leh ka qaataan.

52

53

54

55

56

57
Puntlandes.com

About The Author