AMISOM oo la wareegtay sugida Amniga Aqalka Sare

11 Okt 2018 (Puntlandes) Guddoonka Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS ayaa dhawaan warqad ay ku dalbanayaan in Ciidamada AMISOM ay sugaan amniga Xarunta Golaha u diray Taliska AMISOM.

81

Taliska AMISOM oo horay uga dhaga adaygay ayaa hadda Amnigii Muqdisho xumaaday kasoo jawaabay, iyagoo ku dhwaaqay inay sugayaan amniga xarunta.

Ciidamo aad u hubaysay oo AMISOM ah ayaa hadda la wareegay sugidda xarunta iyadoo la dhigay dhamaan hareeraha xarunta iyo albaabka laga galo xarunta waxay ka samaysteen godod iyo carotuur difaac.

AMISOM ayaa hadda garowsaday cabsida keentay dalabkooda waxayna si feejignaani ku dheehan atahy u sugayaan amniga xarunta.

Gaadiidka gaashaman qaarkood ayey ku jareen wadooyinka danbe ee laga soo galo xarunta sababo la xiriira cabsida ka jirta xarunta Golaha oo salka ku heysa weerar lagu qaado.

Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdulaahi, ayaa sheegay inay ka mahad celinayaan jawaabta  Taliska AMISOM.

Xarunta Golaha Aqalka Sare ayaa ku dhinacyaal dhismaha Hay’adda Sirdoonka Somalia ee Maama Khadiija.

Puntlandes.com

About The Author