Diyaaradda Ethiopian Airlines oo bilaabeysa duulimaadyo Muqdisho iyo Addis Ababa

17 okt 2018 (Puntlandes) Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa bilaabeysa duulimaadkeeda u horeeyay ee Muqdisho iyo Addis Ababa.

Ethiopian_2-984x554

Sida lagu shaaciyay barta Twitter-ka ee Shirkadda diyaaradaha ee Ethipian Airlines 2-da bisha November ayay si rasmi ah diyaarada u bilaabi doontaa duulimaad Muqdisho ah.

Maamulka Shirkadda Diyaaradaha Ethiopian Airlines ayaa shaaciyay in duulimaadkooda Muqdisho uu xoojin doono xiriirka ganacsi ee labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Sidoo kale duulimaadyada diyaarada ayaa waxay fursad u siin doontaa Soomaalida qurbo joogta ee ku sugan Waqooyiga Mareykanka, Bariga Dhexe, Yurub iyo Afrikaba.

Diyaaradda ayaa todobaadkiiba saddex maalin sameyn doonta duulimaad toos ah Muqdisho iyo Addis Ababa, waxaana maalmaha duulimaadkeeda ku qorsheysan yahay ka mid ah Isniin, Arbaco iyo Jimco.

Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa noqon doonta diyaaraddii 3aad oo caalami ah oo Muqdisho duulimaad ka samaysaa, waxaa horay u jiray diyaaradda Turkish Airlines iyo Diyaaradda Air Jabuuti, sidoo kale waxaa jira diyaarado maxali ah oo duulimaadyo gudaha dalka iyo dibaddiisa ku taga.
Puntlandes.com

About The Author