Video-sawirro: Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta sare ee Dowlada Puntland oo sagootisay Arday deeq Waxbarasho ka heshay dalka Eithopia

17 okt 2018 (Puntlandes) Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland ayaa maanta sagootisay Arday deeq Waxbarasho ka heshay dalka Eithopia. Munaasabada ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare Abshir Yuusuf Aw ciise iyo qusulka dalka iyo Eithopia iyo shaqaalaha Wasaarada Waxbarashada 30 arday ayaa waxaa isku jireen Waxbarashada heer kowaad iyo heerka labaad.

Ardayda ayaa ka kala timid xarumahaha Dowlada iyo Jaamacadaha Puntland. Jaamacada civil service University ee dalka Eithopia ayaa sanad walba siisa shaqaalaha dowlada waxbarasho heerka kowaad iyo heerka labaad ah si aqoontoda Waxbarasho kor lagu soo qaado shaqaalaha.

Ardaydii heerka kowaad caadiga ahayd ee sanad dugsiyeedka 2017-18ka ayaa asbuucan loo sagooti doona dalka Eithopia. By: Deeq Hurevov. Madaxa isku xirka Wasaaradda Waxbarahada iyo Tacliinta sare

 

98a

98a1

98a2

98a3

98a4

98a5
Puntlandes.com

About The Author