Sawirro: Shirka Golaha Iskaashiga dawlad Goboleedyada dalka oo maanta ka furmi doona Garowe

20  okt 2018 (Puntlandes) Shirka Golaha Iskaashiga dawlad Goboleedyada Soomaaliya ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 20ka okt 2018ka ka furmi doona Garowe, caasimadda dawladda Puntland.

Waxaa Garowe a socota qabab qaabo xoogan oo loogu jira soo dhawaynta madaxda dawlad goboleedyada dalka, iyadoo ay ka qayb geli doonaan madaxweynayaasha Puntland, Galmudug, KGS iyo Jubaland.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ku sugan Gaalkacyo ayaa la filayaa in safar dhinaca dhulka ah ku tago magaalada Garowe.

Sidoo kale Madaxweynayaasha Koofur Galbeed iyo Jubbaland ayaa iyana diyaarad ku tagi doona Garowe.

Khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa ah mid sii xoogeysanayay, tan iyo markii dowlad goboleedyada ay hakiyeen wada shaqeyntii Federaalka, waxaana baaqday shir uu isugu yeeray Madaxweyne Farmaajo oo lagu xalin lahaa tabashada ay qabeen maamul goboleedyada.

100

100a

100a1

100a2

Puntlandes.com

About The Author