Akhriso Aqalka sare oo muddo 3 cisho u qabtay Madaxweynaha & Xukuumadda arrinta wadaxaajoodka Dawlad goboleedyada

20  okt 2018 (Puntlandes) Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa go’aan ka soo saaray warbixinadii safaradii wafuuda Aqalka Sare ku tageen maamul goboleedyada, si ay ugu kuur galaan khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada iyo tabashooyinka ay qabeen.

96a6

Go’aan ka soo baxay Aqalka sare ayaa loogu baaqay Madaxweynaha in muddo saddex cisho gudahood uu ku soo gudbiyo jawaabtii laga sugayay ee ku saabsan inuu diyaar u yahay wada xaajoodka uu garwadeenka ka yahay Aqalka sare.

Sidoo kale Xukuumadda ayaa iyana laga dalbaday in saddex cisho gudahood jawaabaha ku aadan tabashooyinka laga soo uruurinayay xarumaha dowlad goboleedyada ee lala wadaagay.

Aqalka Sare ayaa sheegay in go’aan cad ay ka qaadan doonaan aragtidooda ku aadan khilaafka hada jira, hadii Madaxweynaha iyo Xukuumadda ku guuldareystaan inay jawaab ay ka sugayaan soo gudbin waayaan

100b1

100b3

101b2
Puntlandes

About The Author