Qaar Kamida Isimada Waaweyn ee Dowladda Puntland oo Baaq Nabadeed U Direy Beelo Walaalo Ah oo Saakay Diriri Ay Ku Dhex Martay Deegaanka Dhumay.

22 Okt 2018 (Puntlandes) Boqor Burhaan Boqor Muuse, Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaam iyo qaarkamkda isimada waaweyn ee Puntland ayaa maanta oo taariikdu tahay 22 October 2018 waxaa ay baaq nabadeed u direen Beelo walaalo ah oo saaka ay diriri ku dhx martay deegaanka Dhumay ee Gobolka Sool.

Boqor Burhaan Boqor Muuse, Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaam iyo Ismadii kale ee baaqa nabada ah dirayey ayaa waxay si shuruud la’aana ay ku dalbadeen in xabada la joojiyo, Isla’markaana waxa ay xuseen in aan loo baahneen inuu dhiig halkaas ku daato waxayna baaq u direen ismada gobola Sool in ay si deg deg ah u kala dhex galaan beelhaas walaalaha ah inta ay uga imaanayaan.

Dhinaca kale colaadan oo ah mid 15 kii sano ee ugu danbeysay soo noq noqonaysey ayaa ahayd mid uu dhiig badani ku daatay, Isla’markaan waxaa tuhun bada I ku jiraa maamulka Hargaysa uu dabada kariixayo colaadaha siina hurinayo ismaandhaafka ku kala dhex jira beelahaasi.

Ugu danbeyn, Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa sheegay in maamulka Hargaysa uu ku fashilmay daminta colaadaas waxaana uu ugu baaqay Boqorku maamulka Hargaysa in ay ka dhexbaxaan hawshaas islamarkaana ay hawshaas gasho cidii kale ee u ehel ah wax ka qabashada hawshaas.

101b3

101b4

101b5

101b6
Puntlandes.com

About The Author