Gudoomiyaha golaha shacabka oo kusoo biiray ololaha Lafta Gareen

Maalmihii u dambayeeyey waxaa xafiisyada Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo Agaasime kuxigeen NISA Fahad Yasin ka socotay ololaha sidii uu ugu guulaysan lahaa doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed oo dhawaan ka dhacaysa Baydhabo musharaxa dawlad oo ah Cabdiasis Xassan Lafta Gareen.

Gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa ku soo biiray ololaha Lafta Gareen, sida aan ku ogaaday Xog lagu kalsoon yahay. Gudoomiye Mursal iyo Fahad Yasin ayaa kullan kula qaatay Hotel Muqdisho ah Xildhibaano KG ah oo laga keenay magaalada Baydhabo, iyagoo ka dalbaday inay u codeeyaan Lafta Gareen lacag badana ay dawladu siin doonto.

Gudoomiye Mursal ayaa Xildhibaanada ugu hanjabay inay dawladdu ka xirayso Baydhabo cirka iyo dhulkaba, (Duulimaadya iyo gaadiidka), ayna go’doomin doonto haddii aysan u codayn Lahta Gareen,

Gudoomiye Mursal ayaa xildhibaanada u balan qaaday haddii ay doortaan Lafta Gareen in dawladdu u qori doonto mushahaar u dhigma kan golaha Shacabka ee baarlamaanka soomaaliya, ayna telefonadooda ugu soo dhici doonto iyagoo Baydhabo jooga bil walba.

Mursal iyo Fahad Yasin ayaa xildhibaanada ku adkeeyey inay u codeeyan musharaxa dawladda ayna kala doortaan lacag ama go’doon, waxaana xildhibaanada loo qaybiyey lacag lagu sheegay biyo cabaal oo cadadkeedu ahaa 5000 doollar.

Doorashada ayaa waxaa ka hartay labo todobaad kaliya iyadoo  dhacaysa 17 nov 2018ka.

Hadaba shacabka reer KG ma u qalantaa in la yihiihdo hadaydaan dooran wiil, (Cabdiasis Xassan Lafta Gareen), Farmaajo eedadii dhashay waa la idin go’doomin doona, meedaysa xuquuqdoodii muwaadinimo.

Arintani miyeysan sabab u noqon karin inay dheerayso dib u soocelinta dawladnimada Soomaaliya, haddii sidaas awoodii dawqladnimo sidaas loogu takri falayo.

Miyeysan Qabyaalad qaawan iyo musuqmaasuq baahsan in s dawladda Farmaajo ka koobnaato mid gabari dhashay iyo mid gabar qaba.

Ali Jam

About The Author