Sawirro: Madaxwaynaha Dawlada Deegaanka Soomaalida oo deeq Soo gaarsiiyey dadkii ku barakacay colaadii koonfurta gobolka Sool

04 Nov 2018 (Puntlandes) Madexweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida (Somali State) Mustafe Cagjar ayaa Gadiid sida deeq Raashin ah gaarsiiyay dadkii ku barakacay dagaaladii dhawaan ka dhacey koonfurta gobolka Sool .

Maamulka mustaf Cagjar ayaa noqonaya maamulkii ugu horeeyey ee deeq soo gaarsiya dadka ku barakacay coolaada koonfurta gobolka Sool. Gurmadkan ayaa waxa uu ka kooban yahay raashin loogu talagalay 1500 oo qoys, waxaana loo qaybinayaa dadkaas dhibaatadu ka soo gaartay ama ku barakacay dagaal beeleedkaas.

Dhanka kale waxaa goobta nabadaynta ku sugan 14 isim oo uu hogaaminayo Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool Garaad, kuwaas oo ka soo gurmaday Somali State.


Daawo sawirrada


Puntlandes.com

About The Author