Sawirro: Gudoomiyaha Degmada Bookh oo kormeer ku tagay Dugsiga Sare ee Degmada

05 Nov 2018 (Puntlandes) Gudoomiyaha Degmada Bookh Cabdiqani Badal Khalaf Jaamac oo dhawaan gaaray magaalada Bookh ayaa waxa uu kormeer u guurgal ah ku tagay Dugsiga Sare ee Degmada Bookh.

Gudoomiyaha ayaa ujeedada booqashadiisu ahayd uu guulgal iyo xog ka ogaanshaha Dugsiga Sare ee degmada Bookh si uu wax uga ogaado baahiyada kajira.

Gudoomiyaha ayaa warbixin ka dhagaystay Maamulaha Dugsiga iyo Ardadaba, iyagoo u soo gudbiyey baahiyahooda, wuxuuna u balan qaaday inuu deg deg uga soo jawaabayo baahiyaghaas.

Dugsiga Sare ee Degmada Bookh ayaa ah Iskool dhamaystiran laakiin aan helin taagaradii uu uga baahnaa dawladda,. Dhanka kale waxaa loogu baaqay qurbajoogta deegaankaas inay soo taageeraan Iskuulka.


Puntlandes.com

About The Author