Itoobiya oo qorsheyneysa in ay Saldhig Ciidamada Badda ah ka dhisato Badda Cas & Badweynta Hindiya

Taliye ku xigeenka ciidamada Ethiopia General Berhanu Jula ayaa sheegay in dowladiisu ay qorsheyneyso inay dhawaan ka dhisato Badda Cas iyo Badweynta Hindiya saldhig ciidamada badda ah.

General Berhanu ayaa sheegayin isagoo la hadlayay saxaafada dalka Itoobiya in Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ay ka go’an tahay in Itoobiya ay dhisato ciidamo xoog leh oo ah kuwa badda, kuna hubeysan qalab casri ah .

Generalka ayaa sheegay in Itoobiya ay tahay dal weyn ayna haysato ciidamada ugu xoogga badan ee qaarada Afrika, sidaa darteedna uu hogaamiyaha dalkaasi uu qorsheynayo dhismaha ciidamada badda.

“Inkastoo aan lahayn dhul badda ku dhegen balse waxaan aad ugu dhow nahay Badda cas iyo Badweynta Hindiya, hadda waxaan aragnay in ay jiraan wadamo jecel in aan ka dhisano saldhigyo ciidamada Badda ah  gudaha dalalka Somalia,Djibouti, Puntland iyo Eritrea saldhigana waxaan ka dhisi karnaa meel ka fog xeebta illaa 60km.”ayuu yiri General Berhanu.

Warkan ka soo yeeray taliye ku xigeenka ciidamada Itoobiya ayaa intaas kusii daray in aysan ahayn mid la qaadan karo in Itoobiya oo shacabkeedu Boqol malyan gaarayo aysan lahayn bad “Landlock”

Puntlandes.com

About The Author