QORMO XIISO BADAN ”MUDUGTII 2014 IYO TAN 2018″

“HASHU MAANKAY GADAYE MA MASAAR BAY LIQDAY!!!”

“MUDUGTII 2014 IYO TAN 2018”

Gobalka Mudug wuxuu soo maray marxalado kala duwan oo huwanaa dhacdooyin isagu jira Murugu iyo muusanoow intaba. Waxaan soo joogay Mudugtii kacaanka taas oo loo yaqaanay gaari waa, waxaan marnaba xasuustayda ka bixin Gobalkii Mudug ee jamhadaha qabiilka ee hubaysani qabsadeen iyo sidii aan isla markiiba uga xoraynay, waxaa ii muuqata Mudug joogta xilligii SSDF ama kulmis oo saaxiib la’ah kaaraha gurguurta iyo garnaylka.

Waayihii wacnaa iyo baraaraha Gobalka Mudug wuxuu kasoo bilowday markii dhidibada loo taagay Dawlad salbalaaran oo ka hanaqaaday Dhulka uduga waa Puntlandta Maantaye.

Gobalkeenu hadba marxalad ayuu soo maray intii ay dhisnayd Dawlad Puntland ee aan bahwadaagta ku nahay todobada Gobal ee kale. Dhamaan Dawladihii majara u qabtay maamulka Puntland waxay ka qadeen Gobalka meel waxayna gaarsiiyay meel kale oo ka wanaagsan.

Waayahayga nololeed badiba waxaan kusoo qaatay Gobalka Mudug laga soo bilaabo xilligii xoriyada, Dawladihii rayidka ahaa, tii kacaanka, burburkii, kumeelgaarkii iyo maanta oo aan Dawlada Federaal ah leenahay.

Waxaan marnaba maankayga ka Go’in Mudugtii 2014kii taas oo ahayd:

  • Mudug aan Golle deegaan lahayn
  • Mudug aan mashaariic horumarineed kasocon
  • Mudug ay halakeeyeen colaado sokeeye
  • Mudug khilaaf weyn laga dhex abuuray dhaqankeedii
  • Mudug musuqmaasuqu meheradeeda yahay

 

Maadaama dalku markaas ku jiray marxalad doorasho ma jirin miisaan iyo culays sidaas u weyn oo ay mushariixiintu saarayeen Gobalkaas muhiimka ah.

GOBOLKA MUDUG 2014KII KADIB!!

Waxaan maanta joogaa, (2018ka), oo Mudug ay ka bedelana tahay tii hote ayna ku tilaabsatay horumar ballaaran oo aan kasoo qaadanayo:

  • Mudug miisanka ugu culus ku leh Puntland,
  • Mudug oo aeroport caalami loosahamiyay dhawaana la bilaabi doono,
  • Mudug nabdoon
  • Mudug dhalinyaradeedu arrimiso odayaashuna marjaca yihiin
  • Mudug dhaqankeedu midaysanyahay
  • Mudug caasimadeedu ifayso
  • Mudug cawaale dhisanaysa
  • Mudug dhawaan udabaaldagi doonta hanashada wado laami ah oo halbowle ah oo ku xiridoonta Gobalada Kale ee Puntland,
  • Mudug dakadii garacad gacanta kuhaysa
  • Mudug kastam caalami ah oo tuurdibi ladhaho yeelatay kaas oo ku xira Dalka Itoobiya
  • Mudug oo ay kusoo kordheen degmooyin horleh sida Bursaalax iyo Saaxo
  • Mudug Madaxtooyo heersare ah loo dhisay si ay umartigaliso masuulka dalka ugu sareeya
  • Mudug leh Golayaal deegaan
  • MUDUG MUSHARIXIINTU KU TARTAMAAN, KUNA SOO KALA HORMARAAN BOOKHASHADEEDA MIISAAN CULUSNA KULEH MANDIQADA DHUL UDUG
  • Mudug musuqa ka maanican oo salka loo dhigay dawlad wanaag.

Ugu danbayn intaas iyo inkabadanba waxay kusooro gashay Maamulka iyo aqoolida Dawlada kaabayaasha dhaqaalaha ee uu hogaamiyo Dr. C/wali Maxamed Cali gaas, maamulka, Issimada, dhalinyarada, haweenka iyo qaybaha kala duwan ee Gobalka Mudug.

Mahadi haka gaarto cid walba oo taako kusiyaadisay horumarka iyo kobaca Gobalkeena isla markaasna ka qayb qaatay hagaagida deegaankeena.

GOBALKEENU HAGUULAYSTO.
Gud. Xassan Maxamed khaliif_Abgaalow.

About The Author