Akhriso musuqmaasuqa baahsan ee ay ku kacday dowladda federaalka ee Nabad & Nolol

19 Nov 2018 (Puntlandes) Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa soo saaray warbixin dheer oo uu ku caddeeyey inay dawladda faderaalka Soomaalya Musuqmaasuq dhunsasho hanti dadweyne.

Guddiga ayaa soo bandhigay in ay dawladdu sifo aan sharci ahayn oo musuqmaasuq ah ku lunsatay hanti aad u faro badan oo dadwayne.

Guddiga ayaa warbintiisata ku sheegay inaysan qarashaadka socodsiinta howlaha adeega helin hay’adaha dowlada marka laga reebo madaxtooyada, golaha shacabka, Xafiiska Ra’iisulwsaaraha iyo Wasaaradda Maaliyadda, halkan ka akhriso wasaarado korontadii laga jartay.

Sidoo kale Guddiga ayaa warbintiisata ku sheegay in aan la helin dhammaan kabkii ama kaalmadii Miisaniyadeed ee dibadda ka imaan lahayd marka laga reebo waxyar oo ay dawladda Qatar bixisay, $3 malyan halka ay dawladda aan walaalaha nahay ee TURKIGA ay bixisay lacagtii ay baölan qaaday oo ahayd  $20 milyan.

Guddigu waxay sheegeen inaysan wax lacag ah ka imaan dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka, iyadoo uu dhawaan booqday Ra’iisul wasaaraha dawladda federaalka.

 

Hoos ka akhri so warbixinta Guddiga oo dhamaystiran

DAKHLIGA IYO KHARASHAADKA

Guddigu isagoo tixraacaya warbixinta Xisaabiyaha Guud ee Qaranka ee halkan ku lifaaqan oo ay ku caddahay dakhliga soo xerooday iyo isticmaalka kharashaadka ee miisaaniyada 2018, waxaa Guddigu si qoto dheer uga baaran degay is barbar dhigna ku sameeyey ku talagalkii Miisaaniyadda iyo isticmaalka kharashaadka bilaha Janaayo ilaa Agoosto 2018ka.

Guddigu isaga oo maanka ku haya muhimadda iyo mas’uuliyadda dastuuriga ah ee Golaha Shacabka ka saaran hubinta xaqiiqada dakhliga iyo kharashka miisaaniyadda iyo ku dhaqanka sharciga iyo nidaamka Maaliyadda dalka, Guddigu si uu u guto waajibaadka loo igmadey wuxuu kulamo la yeeshay, su’aalona ka weydiiyay, sidoo kalena warbixinno kala duwan ka dhagaystay hay’adaha hoos ku qoran: • Wasaaradda Maaliyadda • Xisaabiyaha Guud ee Dowladda • Hanti dhowrka Guud ee Qaranka

b. Dakhliga: kutalagalka Sannad Miisaaniyadeedka 2018 (Janaayo ilaa Agoosto)

Sida ka muuqata kutalagalka Miisaaniyadda dakhliga ee 2018, kuna cad shaxda lifaaqa 1aad ee dakhliga, waxaa jira koror kooban meelaha qaar sida canshuurta qaansheegadka Hotelada iyo canshuurta shaqqalaha gaarka ah.

Sidoo kale waxaa jira gaabis ama hoos u dhac meelaha qaar sida canshuurta Qaadka, canshuurta mushaarka shaqaalaha dowlada oo aanan fadhin. Sidoo kale waxaa jira ilo dakhli laga filayay sida ka muuqata saadaasha qoondada Miisaaniyadda balse aan wax dakhli ah kasoo xeroon muddadii u dhaxaysey Janaayo ilaa Agoosto 2018, sida xawaaladaha, bangiyada, warshadaha korontada iyo biyaha iwm.

Sidoo kale waxaan lahelin dhammaan kabki/kaalmadii Miisaniyadeed laga filayay wadamada Sacuudiga, Imaaraadka halka Dowladda Qatar ay bixisay $3Malyan una dhiganta 30%, balse Dowladda Turkiga ayaa bixisay dhammaan kabki miisaaniyadeed ee ay ballan qaaday oo ahaa $20 Malyan..

Sida ka muuqata jaantuska hoose guud ahaan waxaa soo xerooday 8 bil ee sannadkan ugu horreysay dakhli dhan $ 156,717,203.52 una dhiganta 57%, halka laga sugayay muddada 8da bilood ah in uu soo xeroodo dakhli dhan $183,086,794 taasi oo muujineysa inuu jiro hoos u dhac dakhli mudada 8da bilood ee lasoo dhaafey oo dhan $26,369,590.48 una dhiganta 14% halka mudada 4ta bilooda ah ee sandka ka hartay la filaayo in uu soo xeroodo dakhli dhan 117,912,987.48 una dhigma 43%, taas oo muujinaysa in uu gaabis xoogle kajiro in la xaqiijiyo hiigsigi sanadkaan ee ahaa dakhli dhan $274,630,191.00. Iyadoo xaaladda miisaaniyaddu ay sheegeyso inuu jiro

isdhin xoog leh haddana xukuumaddu waxay marar badan sheegtay inuu koror dhaqaale jiro oo dakhliga soo xerooday ka batay intii uu ku talogalku ahaa sida ku xusnayd soo jeedinti ku-noqoshadi Miisaaniyadda 2018.

t. Kharashka baxay Sanad Miisaaniyadeedka 2018 bilaha Janaayo ilaa Agoosto

Sida ka muuqata lifaaqa 2aad ee Kharashka Sannad Miisaaniyadeedka 2018, Guddiga oo tixraacaya warbixinada iyo baaritaanada uu ka helay xafiiyada Xisaabiyaha guud iyo Hantidowraha aadna ugu kuur galay dib u eegisna ku sameeyay hab-maalmulka kharash bixinta qoondada miisaaniyadda waxaa usoo ifbaxay arimaha hoos ku xusan:

  1. In Wasaaradda Maaliyaddu ku dhaqmin asalkii Qoonda Miisaaniyadda 2018 ee Golaha shacabku ansixiyay sida ka muuqata warxin maaliyadeedka soo gaartay guddiga horane u dhacday sanadki 2017 taas oo kaliftay in uu xirmi waayo xisaab-xirki 2017 ee golaha loo soo gudbiyay kaliftane in guddigu dib ugu soo celiyo guddonka Golaha si dib loogu celiyo Wsaaaradda Maaliyadda.
  2. Qarashaadka socodsiinta howlaha adeega (Running Cost) inta badan mahelaan hay’adaha dowlada marka laga reebo madaxtooyada, golaha shacabka, Xafiiska Ra’iisulwsaaraha iyo Wasaaradda Maaliyadda taas oo ay ka dhalan karto gaabis ku yimaada howlaha ay u xilsaaranyihiin hay’adahaasi sida Safaaradaha aan ku leenahay dalka dibadiisa, waxaa kale oo ka dhalan kara in la khilaafo hab raaca dakhli ururinta ee hay’adaha dowlada ee faraya in si joogta ah loogu xereeyo khasnada dhexe (Single Treasury Account) sida hore u dhacday hay’ada qaar kana muuqatay Warbixinta hantidhowraha.
  3. Waxaa guddiga usoo baxday in si aan sharci ahayn lagusoo aruuriyay lacago loona bixiyay sidoo kale si aan sharci ahayn, lacagahaas Waxaa ku amray Shirkadaha Xawaaladaha iyo Bangiyada gaarka loo leeyahay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda in ay bixiyaan waxaana lagu tilmaamay qaaraan lasiinayo Xarunta Warbixinta Maaliyadeed ama Financial Reporting Centre (FRC) oo ah hay’ad dowladeed oo leh qoondo miisaaniyadeed. Hadaba arintaan waxaa ka muuqata iska hor imaad maslaxadeed (conflict of interest) maadaama xaruntaan sababaha loo abuuray ama waajibaadkeedu yahay in ay korjoogtayso xawaaladaha iyo bangiyada gaarka loo leeyahay si looga hortago lacagaha fal dinbiyeedyada ku xusan sharciga ka hor tagida lacag dhaqida iyo maalgelinta argagixisada (AML/CTF).
  4. Waxaa kale oo guddiga u cadaatay in ilaa iyo hadda aan laga qaadin shirkadaha xawaaladaha iyo bangiyada gaarka loo leeyahay aan laga qaadin canshuurti Sharciga ahayd halka lagu amray in ay bixiyaan lacago aan sharciga waafaqsanayn, iyadoo habka loo maray qabashada/ aruurinta lacagahaas amma lagu bixiyay ay baal marsanyihiin nidaamka maaliyadda iyo xeerarka loo jideeyey. Waxaa kale oo xusuusin mudan in lacaghaas lagu shubay xisaabta gaarka ah ee wasaaradda Maaliyada ku leeahay bangiga dhexe sida uu amray Wasiirka Wasaaradda taas oo ah sharci darro khliaafsan dhammaan shuruucda `maaliyadeed ee dalka, halka ay ahayd in lagu xereeyo khasnada dhexe ee dowladda.
  5. Qasanadda Dhexe ee dowladda waxaa soo gaartay lacag dhan $50 Malyan sannadki 2017 kana timid Dowladda Sacuudi Carabiya, waxaana la iscticmaalay isla sanadandkaas lacag dhan $30 malyan halka ay Wasaaraddu guddiga kusoo wargelisay $20ka Malyan oo ka haray loo wareejinayo sanadka 2018 balse kama muuqato lacagtaas dakhliga dowladda mudada u dhaxaysa Janaayo ilaa Agoosto 2018 sidoo kale kama muuqato in ay kasoo wareegtay lacagtaasi sannadki 2017 kuna soo wareegtay Miisaaniyadda 2018 dakhli ahaan.
  6. Madax xigaha Adeega Dowlada gaar ahaan cuuraarta oo loo qoondeeyay xuquuq gaar ah waxaa laga wareejiyay lacag dhan $3 Malyan si aan waafaqsanayn sharciga kala wareejinada waxaana loo isticmaalay si aan waafaqsanayn xeerkii golaha ee xeerka Miisaaniyadda 2018.
  7. Raasumaalka: Waxaa jira Madax xigayaal kala duwan oo ay kujiraan lacago loogu tala galay raasumaal/ama mashaariic hurumarineed oo ka mid ah qoondada Miisaaniyadda 2018 oo loo istimcaalay si aan waafaqsanayn Xeerkii goluhu ku ansixiyay qoondada Miisaaniyada sida ku cad qaybta 8aad qodobka 4aad farqadiisa T ee Xeerka qoondada Miisaaniyadda 2018 oo farayay in loo isticmaalo habaraaco uu farayo sharciga iibka qaranku.
  8. Dowlad gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir: Sida ku cad qaybta 8aad qodobka 4aad farqadiisa J goluhu waxaa uu faray Wasaaradda maaliyadda in ay guddiga horkeento ka hore bisha April 2018 faahinta Miisaaniyadaa Dowlada gobaleedyada iyo Maamulka Gobalka Banaadir ilaa iyo hadda oo sanadki sii dhamaanayo wax faahfaahin ah Wasaaradu lama soo wadaagin guddiga,
  9. Sida ku cad warbixinta hanti-dhowraha guud waxaa soo galay khasnadda Maamulka gobalka banaadir lacag dhan $15,281,181 mudada u dhaxaysa Janaayo ilaa june 2018 halka hore ay ugu jirtay lacag dhan $1,911,464.42 kana dhigaysa wadarta guud ee dakhliga maamulka gobalka banaadir lacag dhan $16,556,504.75 mudada u dhaxaysa jaanyo ilaa juun 2018, balse waxaa uu maamulka gobanlka banaadir ka helay dowladda dhexe lacag dhan $8,575,343.24 kana mid ah lacagaha sare ku xusan isla mudada sare ku xusan, waana lawada kharash gareeyay isla muadaas sare ku xusan dhammaan lacagahaas, inta badan malahan cadaymo kufilan isticmaalka lacaga sare ku xusan waxaana ka muuqda maamulxumo maaliadeed oo baahsan habka kharash bxineed ee maamulka Gobalka Banaadir waxaana ka mid ah:
  10. Dowladda hoose malahan Miisaaniyada sanadeed degsaan iyo qorshe dakhli iyo kharash oo ay ansixisay jiho ka madaxbanaan maamulka gobalka banaadir
  11. In ay jiraan ha’yado iyo shakhsiyaad ka baxsan dowlada hoose oo si joogta ah lacag uga qaata dowlada hoose ayada oo aynan jirin wax heshiis qoran ama shaqa ah oo ay u hayaan maamulka gobalka ama dowladda hoose.
  12. In khasnajiga dowlada hoose kasoo bixiyay si shakhsi ah bangiga dhexe lacag dhan $5,972,0852.82 mudada u dhaxaysan Janaayo ilaa Juun 2018 mana cada sida loo isticmaalay lacagahaas.
  13. Habraaca iibka iyo bixinta qanadaraasyada ee dowlada hoose in aan loo marin tartan furan taas oo dhiiri gelinaysa musuq maasuq, naas nuujin, maamul xumo iyo xatooyada xoolaha dadweynaha isla markaana baarlmarsan sharciga iibka qaranka
  14. Dhammaan shaqaalaha dowlada hoose gunnada lasiiyo waxaa laga jaraa 30% sifo aan sharci ahayn waxaana jira Shakhsiyaad farabadan oo gunno ku qaata lataliyaal aanan lahan wax tixraac waajibaad shaqo ah (ToR) oo qoran heshiisna kula jirin gobalka banaadir.
  15. waxaa kaloo intaas dheer in Maamulka Gobalka Banaadir uu ka helay dowlada dhexe lacag kabadan Qoondada Miisaaniyadda ee aan cadayn isticmaalkeedu mudada u dhaxasa Janaayo ilaa Agoosto 2018. Waxaana sharci dara ah in hay’adaha dowlada loo hormariyo lacaga aan la gaarin waqtigoodi.
  16. Wasaaradda Maaliyada: Sida ka muuqata warbixin xisaabeedka mudada u dhaxaysa Janaayo ilaa iyo Agoosto 2018 Wasaaradda Maaliyadu waxaa ay isticmaashay si aan waafaqsanayn xeerka qoondada Miisaaniyadda boqolaal kun oo doolar oo ka dheeri ah Miisaaniyadeeda mudada sare ku xusan. Sidoo kale waxaa guddiga usoo ifbaxday in ay jiraan shaqaale ka qaatada mushaaro in kabadan hal meel/hay’ad taas oo aan waafaqanayn nidaamka maaliyadeed ee dalka.
  17. Guddiga waxaa usoo ifbaxday in amarka kharash bixineed ee khasanada dhexe oo si gaar ah awooda u siinaya xafiiska xisaabiyaha Guud in uu Bangiga dhexe ula wareegay si aan waafaqsanayn hab-raaca shuruucda maamluka maaliyadda ee dalka taas oo abuurtey; dibu dhaca kharash bixnta ayada oo dakhli ku filani ku jiro khasmnadda dhexe sida ku cad warbixinta Hantidhowraha Guud ee Qaranka.

 

 

j. Isticmaalka keydka kabida/lama filaanka (Contingency)

Madaxa xigaha keydka kabida/ lama filaanka waxaa goluhu xeeriyay in loo isticmaali karo oo kaliya xaaladaha deg degga ah sida fatahaado, abaaro, cudurro dillaacay iyo kharashaad leh muhiimad qaran oo lama filaan ah kana muuqanin miisaniyadda la diyaariyay sida ku cad qodobka 2.5 faqradiisa 1aad iyo 2aad ee qaraarki qoondada miisaaniyada 2018 goluhu ku ansixiyay, balse Wasaaradda Maaliyaddu waxay baalmartay qaraarki Golaha waxayna isticmaashay guud ahaan $2,532,866.86 kana badan qoondadii golohu ansixiyay, waxaana loo iscitmaalay sidi loo qoondeeyay $1,000,000 kaliya oo la mid ah 39.5%, halka loo isticmaalay si khilaafsan xeerki golaha lacag dhan $1,532,866.86 una dhiganta 60.5% wadarta guud ee la isticmaalay. Kharshkan intabadan meelaha sida qaldan loogu isticmaaley waxaa ka mid ah shirar dibedda ah, sahay safar, xaflado, dayn bixin shakhsi ah, dayactir, kiro guri, kharash koronto, martigelin iyo kharashaad Hotel, qalabayn hay’ado dowladeed, mishahar bixin, shiidaal, iibka baabuurka aan xabaddu karin iyo wax la mid ah oo qoondo iyo madaxyo u gaar ah ku leh xeerka miisaaniyadda. Taasi oo si toos ah uga hor imanaysa sharciga maaliyadda iyo xeerka qoondada miisaaniyadda ee Goluhu ansixiyey.

 

J. FULINTA QARAARKI GOLAHA EE QOONDADA MIISAANIYADDA 2018.

Guddigu waxaa uu dib u eegis ku sameeyay dhaqan galka qararaadki goluhu ku meel mariyay qoondada miisaaniyadda 2018 waxaana usoo ifbaxday in aysan fulin Wasaaradda maaliyaddu qodobada soo socda:

  1. Qodobka 2.4 farqadiisa 1aad ee kala wareejinada xafiisayda dhxadooda ah waxaa loo fuliyay qaar ka mid ah si aan waafaqsanayn habraaca goluhu u meelmariyay sida ku cad kal wareejinada soo garaay xafiiska guddiga sida kala wareejinada cuuraarta oo laga soo wareejiyaya lacag dhan $3 Malyan loona isticmaalay si aan waafaqsanayn qaraarki golaha.
  2. Qodobka 2.5 farqadiida 1aad iyo 2aad ee la xariirta kala wareejinada kaydka kabidda/Lama filaanka waxaa loo fuliyay si aan waafaqsanayn xeerka qoondada miisaaiyadda 2018 iyo shuruucda maaliyadeed ee dalka
  3. Qodobka 3.1 ee la xariira Mudnaanta kala horumarinta qarash bixinta waxaa loo fuliyay si aan waafaqsanayn xeerka qoondada miisaaniyadda 2018
  4. Qodobka 3.8 ee laxariira warbixin maaliyadeedka bilaha ah in loosoo gudbiyo guddiga 10ka bil walba looma fulin qodobkaas si waafaqsan qaraarki golaha, guddiguna mahelo wax warbixin bileed ah oo aan guddigu dalban waxyna qaadataa waqti in uu helo jawaabaha waydiimada uu guddigo dalbado.
  5. Qodobka 4aad ee xeerka qoondada Miisaaniyadda waxaa uu farayay in Wasaaradda Maaliyaddu hor keento golaha sharcigi canshuuraha ka hor 30 April 2018 welina lagama hayo.
  6. Goluhu waxaa uu faray wasaaradda in aan la’isticmaali karin dakhli iyo kharash aan ka mid ahayn qoondada miisaaniyada balse Wasaaraddu waxa ay si aan waafaqsanayn xeerka qoondada miisaaniyadda 2018 iyo shuruucda maamulka maaliaydeed ee dalka kusoo aruurisay dakhli una isitcmaashay kharash sida ku cada qaybta 1.2 faqradeeda 3aad ee warbixintan.
  7. Goluhu waxaa uu faray Wasaarada gaashaandhiga in Dhammaan Ciidanka Xooga Dalka lasoo diiwaan geliyo ka hor 30 june 2018 waxaana guddiga lagu soo wargeliyay in 5,400 kaliya la diiwaan geliyay halka aan weli ciidamada intoodi kale la diiwaan gelin, sidoo kale goluhu waxaa uu faray Wasaarada maaliyadda in loo kordhiyo konton ($50) doolar askarigiiba tirada lasoo diwaan geliyo oo kaliya oo aan gunnada ku qaadan darajo, balse arinkaas Wasaaradda Maaliyadu mafulin kordhintaas iyada oo aan sababayn.
  8. Goluhu waxaa uu faray Wasaaradda Maaliyadda in ay usoo gudbiso guddiga si uu golaha ula wadaago liiska daymaha gudaha lagu leeyahay dowlada oo faahfaasan ka hore 30 April 2018 welina guddiga uma soo gudbin Wasaaraddu .
  9. Goluhu waxaa uu faray Wasaaradda in qof walba oo qaata mushaar ama gunno dowladeed sida shaqaalaha, ciidamada iyo siyaasiinta loogu shubo xisaabtooda gaarka ah arintaan weli si rasmi ah uma dhaqan gelin gaar ahaan dhanka ciidamada.
  10. Ugu dambeyntii sida ku cad qaraarkii ansixinta miisaaniyadda 2018 waxaa si gaar ah loo tilmaamay miisaaniyad dhan siddeed milliyan iyo afar boqol oo kun ($ 8,400,0000) oo si gaar ah loogu qoondeeyey in lagu bixiyo mishaharkii xildhibaanadii iyo shaqaalihii hore , hase ahaatee lacagtaasi waxaa laga isticmaaley laguna bixiyey arrimo aan loogu talo galin hanti dhan Saddex Milliyan ($3,000,000) iyadoo aan ilaa hadda oo wax ka yar labo bilood oo keli ahi ka hadhey sannad maaliayadeedka aanan xuquuqda shaqaalaha iyo mas’uuliyiintii dalkan sida naf hurka leh ugu soo shaqeeyey aysan helin mishaharkoodii/gunnadii lagu ansixiyey xeerka qoondada miisaaniyadda 2018 ka.
  11. Guddiga waxaa uu kala kulmay bangiga dhexe caqabad iyo in uu ka madax adeego la wadaagida xogaha la xiriirara laxisaabtanka hay’adaha dowlada kadib marki guddigu u diray qoraalo rasmi ah kana waayay wax jawaab celin ah taas uu muujinaysa in bangiga dhexe ogolayn hufnaanta maaliyadeed ee xisaabaadka dowladda loona igmaday Guddiga.

X. GUNAANADKA IYO SOO JEEDINTA GUDDIGA:

  1. In Wasaaradda Maaliyaddu hor keento golaha sababah Miisaaniyadda 2018 ee goluhu ansixiyay loogu dhaqmi waayay loona dejiyay miisaaniyad aan waafaqsanayn xeerki golaha una gaar ah Wasaaradda Maaliyadda
  2. In Wasiirka Wasaaradda Maaliayaddu Golaha horkeeno sababha Wasaaraddu u fulin weyday inta badan Qaraaradi Golaha Shacabka ee lagu Ansixiyay Qoondada Miisaaniyadda 2018
  3. In Wasiirka Wasaaradda Maaliyaddu horkeeno Golaha sharciga u fasaxay in uu kusoo aruuriyo sifa aan sharci ahayn lacagaha laga qaaday shirkadaha Xawaaladaha iyo Banigayda gaarka loo leeyahay kuna shubo Xisaab Wasaaradu si gaar ah u maamusho oo aan ahayn qasnada dhexe ee dowladda
  4. In Hanti-dhowraha qaranku soo baaro warbixin dhamaystirana ka keeno lacagaha wasaaraddu kusoo aruurisay sifada aan sharciga ahayn iyo sida loo isticmaalay lacagtaas, hadii ay jirto lacag haraa ah oo aan weli la’istcmaalina sharciga la waafajiyo.
  5. In hanti-dhowruhu soo baaro halka ay ku danbaysay lacagta $20 ka Malyan ah ee ka timid Dowlada Sacuudi Carabiya oo hore loo sheegay in Miisaaniyadda 2018 lagu soo dari doono balse aan ka muuqan Miisaaniyadda iyo warbxin xisaabeedka 2018 ee guddiga soo gaaray.
  6. In la hakiyo Miisaaniyadda Hay’adaha qaatay lacag ka badan qoondadoodi Miisaniyadeed mudada u dhaxaysa janaayo–Agoosto 2018 ilaama la hubinayo in aynan qabin wax horumaris ah sida Wasaaradda Maaliyadda iyo Gobalka Banaadir, waxaana u xilsaaran hubinta rintaas hantidhowraha iyo Xisaabiyaha guud ee qaranka warbixina kasoo siiyo guddiga si uu ula soo wadaago golaha.
  7. In hanti-dhowruhu soo baaro dhammaan lacagaha ku xusan warbixinta guddiga ee loo isticmaalay si aan waafaqsanayn xeerka qoondada Miisaaniyadda 2018.
  8. Guddigu waxaa uu si adag u farayaa Bangiga dhexe in uu dhowro maamulka khasnada dhexe una madaxbaneeyo xafiisya xisaabiyaha guud kuna koobnaado mas’uulayadiisa.

Halkaana ka akhriso warbixinta oo wadata lifaaq

Puntlandes.com

About The Author