Wasaarraddo ka tirsan xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo korontadii laga jartay

13 nov 2018 (Puntlandes) Xarumaha ilaa 7 Wasaarraddood oo ka tirsan xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa laga jartay korontadii ay ku shaqeynayeen, sida uu Warbaahinta u xaqiijiyey xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Wararku waxaa ay sheegayaan wasaarraddahan muddo dhowr bilood ah aysan bixin lacagihii lagu lahaa, taasoo keentay in markii danbe laga jarto korontadii ay ku shaqeynayeen-

Wasaarradahan ayaa waxay kala yihiin:

  1. Beeraha
  2. Ganacsiga
  3. Xanaanada xoolaha
  4. Patroolka
  5. Wasaaradada hawlaha guud iyo dibushiska
  6. Wasaradda gaadiidka
  7. Boostada iyo isgaarsiinta.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in Wasaaradaha laga jartay Korontada heli waayeen lacagihii loogu tala galay adeegyada lagama maarmaanka u ah Wasaaradaha, sida biyaha iyo Korontada oo qarash gaar wasaarad walba loo siin jiray inay ku dabirto.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalintii shalay ka dooday Miisaaniyadda dowladda oo ay soo gudbisay Wasaarradda Maaliyadda Soomaaliya.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka oo baxay Wasiirradda Wasaarradahan la sheegay in laga jartay Korontada.

Puntlandes.com

About The Author