Akhriso Dawladda Puntland oo beenisay in Dowladda Federaalku lacag ugu deeqday wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo

Dawladda Puntland waxay la wadaagaysaa ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka reer Puntland in ay tahay libin sheegasho beena, sheegashada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku sheeganayso inay ugu deeqday wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo lacag dhan $1500,000.00 (Hal Milyan Iyo Shan Boqol oo Kun oo Doolar).

Dawladda Puntland ayaa waxay caddaysay in lacagta ay dawladda Federaalku ku mano sheeganayso ay tahay deeq ay bixisay Midowga Yurub loona yaqaan Surge Support, taas oo dawladda Federaalka lasoo mariyey, ayaa qoondadii loogu talogalay Puntland sanadka 2018 waxay dhamaanteed dawladda Puntland ugu deeqday wadada CeelDaahir-Ceerigaabo.

War-saxaafadeedka dawladda Puntland ayaa lagu yiri ”Dawladda Puntland waxay leedahay, haddii ay run sheegayso dawladda Federaalka Soomaaliya, $200 milyan ee dawladda Qatar ugu deegday Soomaaliya iyo deeqaha kale ee sida joogtada ah ah u hesho, haka bixiso qoondadii wadada CeelDaahir-Ceerigaabo, inta ay been abuurayso walibana sheeganayso libin aysan lahayn”

Halkan hoose ka akhriso war-saxaafadeedka ay soo saartay dawladda Puntland


Puntlandes.com

About The Author