HADALADII CAMEEY KASOO YEERAY WAXAY QADAF KU YIHIIN SHACABKA & DAWLADA PUNTLAND

Waraysigii uu Madaxweeyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Xaaji Cumar Cameey siiyey Tiifiiga SBS, waxaa ku cadaa oo aan ka dheehan karnaa inuu khilaaf xoogani ka dhex aloosanyahay madaxda ugu saraysa Madaxtooyada Puntland, khaasatan Madaxweeynaha iyo ku xigeenkiisa.

Maadaama aanan Madaxweynaha dhankiisa ka hayn wax cadayn ama xog ah oo la xiriira khilaafka, waxa kaliya oo aan xukumi karaa waa xogta aan ka dheehday ama ka fahmey waraysiga Madaxeeyne ku xigeenka.

Madaxweyne ku xigeenka, (M.K.X), waraysigiisa marka laga yimaado khilaafka isaga iyo Madaxweynaha ka dhexeeya waxaa ka muuqda ereyo iyo oraahyo qadaf ku ah dadka reer Puntland shacab iyo dawladba meelna kaga dhacaaya sharaftooda, magacooda iyo taariikhdoodaba. Bal aan is dultaago meelaha aan ka biyo diidey anoo saafaya oo sababaaynaya.

HARAADI

Ereygaan marki iigu horeeysey ee aan maqlo iiguna danbeysey waxay ahayd 1991kii markii masiibadu ku habsatey umada Soomaaliyeed ee dagaakii sokeeye ee foosha xumaa oo aan diiftiisii wali kasoo kaban la’nahay ka dhexdhacay.Maadaama oo uu ereygu igu cusbaa waxaa lay sheegay in degaanada aan ka imi looga yaqaan HARAAGII oo aan filayo in degaanka M.K.X kasoo jeedo sidaa looga yaqaan.

Ereygaa dadka reer Puntland iyo waliba Jubaland aad bey uga xumaadeen una damqay waayo wuxuu ereygaasi ahaa hal-kudhig lagu banaysanayey dhiigooda xasuuq badana loogu geeystey, waxayna ilaa hada fahmi la’yihiin waxa ku qasbay M.K.X inuu ereygaa isticmaalo, isogoo waliba ku cel-celinaya carabkana ku adkaynaya shed iyo medna u yeelaya dadka uu tilmaamayaana eey yihiin isla dadkii loo isticmaalay xasuuqooda.

Fariinta kaliya uu M.K.X gudbinayo oo uu ereygani xanbaarsan yahay waa kala qaybin iyo iska horkeen umada Soomaaliyeed, waayo waxa ay turjumaada dhabta ahi noqonaysaa HARAADIGII 1991 weeye kuwa wax diidani ee haloo tooko hayo.

FARAGELINTA DAWLADDA FEDERAALKA (DFS)

M.K.X wuxuu yiri Dawla Dhexe wax fara-gelin ah kuma haysi Puntland.Waxaa xaqiiqo ah oo aan qarsoonayn in D.F Puntland ku hayso fara-gelin dhan walba ah, xaga dhaqaalaha, difaaca, iyo iyadoo is hortaagtey ineey Puntland hesho qaybtii ay ku lahayd deeqaha, horumarka, deeqaha waxbarasho, tababarka iyo dhismaha ciidanka iyo dhinac walba oo adeega bulshada ah.Arinkani uma baahna sharaxaad dheer waayo wax qarsoon maaha ee waa wax qofkasta oo ehel u ah lexeljeclona ka hayso Puntland u muuqda kii iska indho tirayaase yeelkii.

FARAGELINTA DFS EE DOORASHADA PUNTLAND

M.K.X waxaa la weydiiyey in DAWLADDA FEDERAALKU fara-gelin ku hayso doorashada Puntland ka dhici doonta January 2019, waxay jawaabtiisu ahayd “haa waayo Dawlada Dhexe waxay u baahantahay qof ay wada shaqayn karaan oo ay isku aragti yihiin”. Su’aashu waxa weeye Dawlada Federaalku ma kalsoonida shaqsi beey u baahantahay mise kalsoonida Shacabka reer Puntland, jawaabtu waa kalsoonida Shacabka iyaga ayey danta Dawlda Federaalku ku jirtaa, ee shaqsi kuma jirto,weeyna heshay kalsoonida shacabka waxaadse moodaa in dhaqamada Dawlada Dhexe ee ku aadan Puntland seejin doonto kalsoonida shacabka Puntland.

Sida aynu la wada socono waxa labo mar oo kala duwan booqosho ku yimi Puntland Madaxweeynaha Soomaaliya Maxamed A. Farmaajo iyo Raysalwasaaraha Soomaaliya Xasan A. Khayre, labadaba waxaa loosoo dhoweeyey si caadiga ka baxsan oo aaney meelkale kale kala kulmin,Shacab iyo Dawladba reer Puntland uma kala harin.Waxaa la tusay soodhoweeyn ay ka muuqato Soomaalinimo, Gobanimo, Riximnimo, Deeqsinimo, Dhaqan wanaag, Qadarin, Kalgacyl, Walaalnimo, Kalsooni iyo Qaran jacayl iyagoo wax ugu hooseeyaa aaney jirin aan ka ahayn kalgacayl wadaninimo oo ay u hayaan madaxdooda Qaranka iyo Dalkooda.

Bulshada qaybeheeda kala duwan sida: Haween iyo Rag, Waayeel iyo Dhalinyaro, Caruur iyo Ciroole, Isimo, Culimo, Ganacsato, Aqoonyahan, Arday iyo Shaqaale oo wanaagii iyo kalsoonidii intii le’ekayd muujiyey ma istaahilaan mana geyaan dhaqamada foosha xun ee aan dhamaadka lahayn necaybka meel u ku salaysanyahay aan la garanayn xanbaarsan oo kaga imanaya dhanka Dawlada Dhexe, waxaanse leeyahay “bal aan dhawrno waxaad ka dheeftaan”.

Sayid Maxamed baa nin Daraawiishta ka mid ahaa oo uu caqli iyo garasho ku tuhmayey oo aanan hada magaciisii xusuusneyn wuxuu weydiiyey, dad yaa ugu talo xun, wuxuu ugu jawaabey “dad waxaa ugu talo xun nin intuu meel banaan ah degey yiri afarta beyni jaho baan la dagaalamayaa oo colaad iskaga furayaa” isagoo markaa Sayidka laftiisa u duur xulaya waayo Sayidku waa tuu Taleex oo meel ban ah ku taal Xarun ka dhigtay dhica walbana colaadi kaga furnayd. Xigmadani waxay si cad uga turjumeysaa Dawlada Dhexe iyo hab dhaqankeeda ku aadan Maamul Goboleedyada.

 

GUNAANAD

Hadaba waxaa muhiim ah inuu M.K.X ogaado in isaga iyo Madaxweeynahaba ay amaano hayaan masuuliyadina ka saarantahay ilaalinta midnimada, nabadgelyada, daryeelka, magaca iyo sharafta shacabka reer Puntland loona baahan yahay inay si wadajir ah xilkasnimo leh ku gutaan sida ku QEEXAN DASTUURKA PUNTLAND IYO AWOODAHA UU  SIIMAYO MADAXWEYNAHA & KU XIGEENKIISA.

Waqtigaan xaadirka ah oo ay Puntland ku jirto marxalad kala guur ah oo xasaasi ah colaadina u dheertahay, wuxuu shacabku idiinka fadhiyaa inaad la timaadaan caqligii, maaraayntii, wadajirkii iyo siyaasadii hufnayd ee lagaga bixi lahaa caqabadaha taagan.Shacabku markay arkaan idinka oo aragtida aad ku kala duwantihiin caqli iyo garasho aad ku maaraysaan waayey waxaa u cadaaneeysa una soo baxaysa ineey ku hungoobeen hogaankiinii kartina u lahayn xal uhelida caqabada muuqda ee taagan.

Madaxweyne ku xigeen waxaa haboonaan lahayd adigana kuu sharaf badnaan lahayd hadii Madaxweynihii aad aragtidii ku kala duwanaanteen, intaad warbaahinta xal ka dhex raadin lahayd inaad u gudbiso oo ku sinto dadka mudnaa ineey xal u helaan.

Sidaad ogtahay waxaa jira Golihii Xukuumada oo aad adiga iyo Madaxweeynaha iyo Wasiiraduba ka tirsantihiin, waxaa jira Golihii Wakiilada, waxaa jira Isimadii iyo Cuqaashii oo ah dadkii Puntland dhisay, waxaa jira Aqoonyahankii, Culimadii, Ganacsatadii iyo Bulshadii Rayidka oo dhamaantood ehel u ah lexeljeclana ka hayso Puntland, iyagaana la rabey inaad la tashato una soo bandhigto wixii tabasho ama aragti ah, waxaana hubaa kuna kalsoonahay ineey ku filanyihiin talada Puntland.

Madaxweeyne ku xigeen waxaa hadalkaagii ka mid ahaa, “walaaluhuba dhaxalka waa isku qabtaan ee Dawlad Goboleedyada iyo Dawlda Dhexe waa ineey wax walba ku xaliyaan wada hadal iyo dulqaad”,hadaba Mudane Madaxweyne ku Xigeen maxaad tusaalahan ama taladaan adigu isugu dabikhi weydey oo adiga iyo Madaxweeynuhu waxaad ku kala duwantihiin dulqaad iyo wada hadal ugu dhamayn weydey, waayo waxaa marka hore xaq kugu ah masuuliyadina kaa saarantahay inaad waqti gelisona kaaga baahan ilaalinta sharafta, midnimada iyo jiritaanka Puntland intaanad u gudbin arimaha Dawlada Dhexe.”Sune kama ansaxo nimuu ka tegey faralkii saaraaye”

 

MAHADSANIDIN

BY:Cabdiraxmaan maxamed Ducaale (Jugaase) jugase@hotmail.com

About The Author