Wariyaasha PL oo ka hor yimid xeerka saxaafada oo la ansixiyey

0

178

Dood dheer ka dib Baarlamaanka dowladda Puntland ayaa maanta ansixiyey mariyay xeerka saxafadda oo ay dhowaan wasaradda warfaafinta usoo gudbisay.

Xildhibaano gaaraya 32-mudane ayaa cod gacan taag ah ku meel mariyay xeerkan waxana ugu danbayntii ku dhawaaqay afhayeenka Baarlamaanka oo sheegay goluhu inuu ansixiyeen xeerka ay wasaradda warfaafinta usoo gudbisay.

Wasiirka warfaafinta Cabdiwali Xirsi Indhoguran oo ka hor hadlay baarlamanka maalintii uu xeerkan hor geynayay ayaa saxafadda dhaleeceeyay kuna tilmaamay inay yihiin kuwo qayru mas’uuliyiin ah isla markasna u baahan in lagu dhaqo xeer adag.

177

Ururka suxufiyiinta MAP iyo Suxufiyiinta Puntland ayaa isla markiiba ka horyimid xeerkan gacan ku rimiska ah oo ay u adeersatay xukuumada Dr Gaas canshuurtii umada laga soo ururiyey halkii isbetaaladii iyo dhamaan adeegyadii bulshada ay xirmeen ama qarka u saaran yihiin in xirmaan.

Baarlaamkii ay ahayd in uu difaaco danaha dadka iyo dalka Puntland ayaa lacag ku qaadanaya in uu gacantiisa ku burburiyo.
Xafiiska wararka

Puntlandes.com

 

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *