DEG DEG AARANJAAN OO XALAY FARMAAJO LA KULMAY SI AY UGA GADAAN MUSHARAXOODA, WAA KUMA?

06 Dec 2018 (Puntlandes) Warbaahinta Puntlandes ayaa waxay akhristayaasheeda la wadaagaysaa XOG rasmi ah oo aanu ka helnay ilo lagu kalsaoon yahay, taas oo ku saabsan Kooxda Aaran Jaan, musharaxa ay taageeradooda isugu geeyeen iyo olole ay ka wadaan Muqdisho.

Ganacsade Maxamuud Shido oo ka mid ah baalasha kooxda Aaran Jaan ayaa waxa uu tagay magaalada Muqdisho kadibna waxa uu qado ugu sameeyey guriga Wasiirka Arimaha dibadda Axmed Cawad Xildhibaanada qaar ka mid ah haraadigii kooxda Aaran Jaan iyo saaxiibada Khaye ee ka tirsan Golaha Shacabka ee Baalrmaanka Soomaaliya.

Qadada Maxamuud Shido sameeyey ayaa waxaa kasoo qayb galay Xildhinaada iyo wasiirada kala ah:

  1. Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh)
  2. Xildhibaan Cumar Ismaaciil Waaberi
  3. Xildhibaan Sharmarke Garaad Saleebaan
  4. Xildhibaan Burhaan Aadan Xaad
  5. Xildhibaan/wasiir Cabdulaahi Bidhaan
  6. Xildhibaan/wasiir Maxamuud Xayir
  7. Wasiir Axmed Cawad

Dhamaan Xildhibaanadaan iyo wasiiradaan waxay ka tirsan yihiin raga aadka ugu dhow oo la shaqeeya Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, waxay kaloo ka tirsan yihiin ama gacansaar la leeyhiin haraadigii kooxda Aaarn Jaan.

Musharax Siciid Dani

Kullankii qadada ayuu Mahamuud Shido  ku soo bandhigay sidii ay ku balansanayaayeen inuu wado in dawladda laga gado musharaxa kooxda Aaran Jaan musharax Siciid Dani.

Kallankaas waxaa looga tashanayey sidii madaxweyne Farmaajo oo asagu si gaar ugu xilsaaran burburinta Puntland looga iibin lahaa mr Dani sidii loogu kalmayn lahaa kursiga madaxtinimada Puntland.

Markii qorshihii la isla meeldhigay ayaa waxaa soo baxday in kabiirkaa waynaa ee Aaaran Jaan madaxweynihii hore ee Puntland Faroole aan talada looga maarmin, markaas ayaa waxaa loo diray Maxamuud Shido Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo ku sugan yahay Faroole.

 

Intii soo hartayna waxay Xalay la kulmeen Farmaajo oo asagu colaad guum ah oo taxnayd tan iyo 1978dii u qaba reer Puntland, waana tan keewntay inuu asagu shafka u tumay burburinta Puntland oo ah hooyada kursiga maanta uu ku fadhiyo ee Villa Somalia.

Xildhibaanada iyo wasiirada ayaa arimihii ay usoo bandhigeen waxaa ka mid ahaa:

  1. In dawladda Federaalku taageerto Musharax Siciid dani , dhaqaalana ku bixiso.
  2. Waxay shafka u tumeen in ay Xildhibaandii dooran lahaa Dani soo saaraan.
  3. In dawladda Federaalku bixiso dhaqaalaha lagu soo saarayo xildhibaanda dooran lahaa musharax Siciid dani.

Dood badan, tusaalayn badan iyo xog iswaydaarsi badan ka dib waxay hawshii kusoo gaba gabowday in balan dambena la isugu yimaado madaxweynuhuna la soo tashado labadii (Khayre & Fahad).

Musharax Siciid Dani ayaa wuxuu ka tirsanaa kooxda Damul Jadiid ee uu hogaamiyo Faarax Cabdiqaadir uuna ka tirsan yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh.

Dhanka kale waxa Villa Somalia ka maqan inay iswaydiiso horta Siciid dani waa kuma?

Hogaamihaya Dam Jadiid oo awaamiir siinaya musharax Siciid dani

Miyeysan ogayn in haddii uu Siciid Dani ku soo baxo madaxweynenimada Puntland in ay Dam Jadiid Isteerinka la hayn doonto ayna doonayso inay ka dhigato Puntland jaranjaro ay ku gaartay kursiga madaxtinimada Soomaaliya ee 2020.

Puntlandes.com

About The Author