Kulankii Golaha Shacabka ee maanta oo baaqday

08 Dec 2018 (Puntlandes) Waxaa baaqday kulanka 31aad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka oo maanta oo Sabti ah la filayay inuu qabsoomo, iyadoo aan la ogeyn sababta rasmiga ah ee uu kulanka u baaqday.

Baaqashada Kulankan ayaa ku soo aaday, iyadoo maalmihii la soo dhaafay kulamada baarlamaanka uu dib u dhac galay, kaddib khilaaf ka dhashay tallaabadii uu Guddoomiye kuxigeenka koowaad ku kala diray Guddigii Maaliyadda.

Dhanka kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in Guddoomiye Mursal uu kulamo la leeyahay Guddigii la kala diray ee Maaliyadda, isagoo ugu horeyn la wadaagaya go’aankiisa iyo mowqifkiisa ku aadan qaabkii loo kala diray.

Guddoomiye Mursal ayaa tan iyo markii uu shir guddoomiyay kulankii Arbacadii uu yeeshay baarlamaanka, waxaa uu waday kulamo la tashi uu la qaadanayay Xildhibaanada iyo Guddoonka, si xaalada ka dhex taagan Baarlamaanka gudihiisa loo xalin lahaa.

Sidoo kale waxaa jira mooshin lagu dalbaday in dood laga yeesho heshiisyada Madaxweynaha uu galay, gaar ahaan heshiiska saddex geesoodka ee dalalka Itoobiya, Soomaaliya iyo Eritrea.

Puntlandes.com

About The Author