Akhriso Golaha iskaashiga Dowlad Goboleedyada oo taageeray Mooshinkii Farmaajo laga keenay

09 Dec 2018 (Puntlandes) Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada Soomaaliyeed waxay walaac adag ka muujinayaan Xaaladda Siyaasadeed ee Dalka oo sii cakirmeysa, kana soo dareysay bilihii la soo dhaafay. Goluhu wuxuu si taxdar badan uga dooday qodobada Dastuuriga ah ee lagu soo eedeeyey Madaxweynaha Soomaaliya.

Goluhu wuxuu soo dhoweynayaa go’aankan Dastuuriga ah ee Golaha Baarlamanka Soomaaliyeed uga gilgisheen siyaasadda guracan ee uu hormuudka ka yahay Madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmajo, taas oo sababtay khal khal gelin siyaasadeed ee ku aadan Dowlad Goboleedyada curdanka ah iyo kuwo kaleba. Waxaa si bareer iyo ula kac ah hogaanka dalku uga leexday la dagaalankii argagixisada taas oo sababtay in Shabaab iyo Daacish (ISIL) ay shacabka iyo ganacsatada ku soo roogaan lacago baad ah, taas oo cidii ka hortimaadana si bareer ah toogasho loola beegsado.

Goluhu wuxuu uga baaqayaa Baarlamanka Soomaaliyeed iyo Aqalka Sare oo ka Wakiil ah Dowlad Goboleedyada in ay gutaan waajibaadkooda Dastuuriga ah ayagoo u maraya sifo waafaqsan Dastuurka Dalka.

Puntlandes.com

About The Author