Daawo Video-Sawirro: Puntland Madaxtooyadda Galkacyo oo xariga laga jaray

Dec 2018 (Puntlandes) Wasiiradda Arimaha Gudaha iyo Caafimaadka Puntland oo Gaalkacyo so gaaray ayaa maanta xariga ka jaray Madaxtooyo Cusub ee magalaadas.

Munaasabadda xarig jarka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Duqa cusub ee Magaaladda Gaalkacyo Yaasiin C/samed iyo Gudoomiya Gobalka Mudug Xassan Maxamed Khaliif (Xasan Abgaalow).

Dhinka kale Madacweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo la filayey inuu Gaalkacyo soo gaaro xarigana ka jaro mashaariic dawladdu kahirgalisay magaalada ayaa ka baaqday wuxuuna usoo wakiishay wasiiradan.

Dhismahan ayaa ka mid ah mashaariic badan oo ay Xukuumadda madaxweyne Dr Cabdiweli ka hirgelisay guud ahaan gobolada Puntland iyo gaar ahaan gobolka Mudug, waana dawladdii ugu waxqabadka badnayn intii ay Puntland soo jirtay.





Puntlandes.com

About The Author