Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal oo shir jaraa’id qaban doono

11 Dec 2018 (Puntlandes)  Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu qabto shir jaraa’id uu uga hadlayo xaalada ka dhalatay Mooshinka.

Sida wararku sheegayaan Guddoomiyaha ayaa soo fariisan doona Xafiiskiisa Villa Hargeysa ee ay ku shaqeeyaan Guddoonka iyo Guddiyada Baarlamaanka.

Wariyeyaasha Muqdisho ayaa lagu wargeliyay in Guddoomiye Mursal uu shir jaraa’id qaban doono, waxaana looga yeeray Xarunta Villa Hargeysa oo ku taala xeyndaabka Madaxtooyada.

Guddoomiye Mursal ayaa markii u horeysay ka hadli doona mooshinka laga keenay Madaxweynaha labo maalin ka hor iyo wararka sheegaya in xabsi guri la geliyay.

Guddoomiye kuxigeenada Baarlamaanka ayaa ku tilmaamay sharci darro mooshinka uu qabtay Guddoomiyaha, waxaana shalay ay soo saareen qodobo go’doomin ku ah awooddiisa, iyagoo ka digay in Guddoomiyuhu sameeyay wax aan Guddoonka la ogeyn iyo in shirar lagu qabto xarunta Villa Hargeysa.

Si kastaba ha ahaatee khilaafka ka dhashay Mooshinka laga keenay Madaxweynaha ayaa waxaa uu kala jebiyay Guddoonka oo ku kala qeybsamay, waxaana dood ka jirtaa socodsiinta Mooshinka iyo halka la marsiinayo, maadaama uusan dalku laheyn Maxkamad Dastuuri ah oo qaadi laheyd eedeymaha lagu soo oogay Madaxweyne Farmaajo.

Dhanka kale Gudoomiyaha oo la go’doomiyey loona diiday inay Xildhibaanadu la kulmaan ayaa xalay waxaa xoog ku galay Madaxtootada oo ay ku dhextaal Villa Hargeysa qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka, hoos ka daawo sawirrada.


Puntlandes.com

About The Author