Akhriso xildhibaanada golaha shacabka oo qoraal dacwad kasoo saaray falka Ciidamada Itoobiya & AMISOM

14 Dec 2018 (Puntlandes) Qaar ka mid ah xildhibaanada golaha Shacabka ayaa soo saaray qoraaal xasaasi ah oo ku aadan xaaladda cakiran ee ka jirta magaalada Baydhabo.

Xildhibaanada ayaa qoraalkan, oo loo diray Midowga Afrika, QM, Mareykanka, UK iyo beesha caalamka, ku dhaliilay doorka ay AMISOM ka qaadatay falkii lagu soo xiray Mukhtaar Roobow maalintii shalay, oo ay ku tilmaameen wax aan la aqbali karin.

Waxaa sidoo kale ay cambaareeyeen safiirka Midowga Afrika iyo madaxa howlgallada AMISOM, Franseco Madeira oo ay sheegeen inuu ahaa shaqsigii bixiyey amarka lagu xiray Roobow.

Xildhibaanada ayaa si weyn u cambaareeyay Taliska AMISOM, waxayna sheegeen in ay ka baxeen dhexdhexaadnimadooda, si ula kac ahna u jabiyeen heshiiskii ay wada saxiixdeen dawladda Soomaaliya iyo Heshiiska Howlgalka Hawlgalka (SOMA).

Qodobka 8-aad ee heshiiskaan wuxuu uu qeexayaa; “AMISOM iyo xubnihiisu waa inay ka fogaadaan ficil kasta ama waxqabad kasta oo aan u dhigmin mid dhexdhexaad ah. AMISOM iyo wadamada xubnuhu ka ciidanka nabad ilaalinta waa inay ixtiraamaan sharciyada iyo xeerarka dowladda iyo dalka Soomaaliya”

Akriso qoraalka

Puntlandes.com

About The Author