Daawo-Dhagayso: Cade Muuse ”waxba ma qaban C/wali Gaas“

Madaxweynihii horre ee Puntland Cade Muuse Xirsi ayaa khudbad uu ka jeediyey xalay xaflada loogu dabaal degayo sanad guurada kasoo wareegtay Doorashadii Madaxweyne Cabdiwali Gaas iyo Ku xigeenkiisa waxa uu dhaliil aad u xoog badan u jeediyey madaxweyne Cabdiwali uuna dib u dhac baahsan ku riday Puntland oo uu sheegey Cade Muuse inay ka hoosayso maanta halka laga filayay inay gaarto.

” Dhibaato badan baa jirta runta aynu isu sheegno dadku badankoodna waa ogyahay Nin la arko waa cabanayaa xataa kuwa dowlada Cabdiwali Gaas ka tirsan baa cabanaya Cabdiwaliyoow qaado dhaliishaada hadaad u malaysay 5 sano waa fadhiyayaa war wadanku wuu baaba.ayaa “ baa ka mid ahaa hadalka uu yiri Madaxweynihii horre Puntland oo intaas ku daray .

“Wacade sidaa ku wadaan hadii ay ku socoto Puntland waxay u baabi doontaa sidii Soomaaliya oo kale Waa been Heesaha iyo Rag badan waxa ay halkaan ka sheegeen, Idinka ayaa igu khasbay inaan hadlo runta baa idin sheegayaa , awalna Madaxweynaha inaan ku iraahdo baan rabay war hooy waxaan aad sheegaysaan oo beenta iska daaya ” .

1385

Isku soo wada duuboo hadalka Madaxweynihii horre ee Puntland General Cade Muuse uu ku dhaliilayo wax-qabadka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland ee sanad jirsaday waxa uu dood culus ka dhex abuuray qaybaha mujtamaca Reer Puntland ee ku nool gudaha iyo dibada .

Hoose ka dhagayso khudbada Madaxweyne Cade Muuse oo dhamaystiran

Puntlandes.com

About The Author