Shir Lagu dhamaystirayo Nabadaynta labo Beelood oo ku diriray Sool oo Dharkayn ka dhacaya iyo Maamulka Prof Galayr Oo Loo Diiday Inay Ka Qeybgalaan

Shir lagu tilmaamay dhamaystirka nabadaynta ayaa Beesha Cabdigaraad berito ku casumtay waxgaradka Beesha Bahararsame, gudiyadii nabadaynta ee shirkii Saaxdheer Culimaa’udiin ka kala iman doona magaalooyinka Laascaano iyo Buhoodle,waxaa iyana ka soo qeyb galaya Ismaamulka Soomaalida Itoobiya gaar ahaan maamulka Degmadda Bookh.

Waxaa xusid mudan in fariin la soo gaadhsiiyay maamulka khaatumo ee Prof Galayr loogu baaqay inaysan ka soo qeybgalin shirka iyadoo waxgaradka degaankaasi ay sheegeen in aan deegaanka Dharkayngeeyo looga baahnayan maamulka Galayr.

Xiriir ay Warbaahintu la samaynay Caaqil Xassan Maxamed Salebaan (Dhuutay) ayaa noo xaqiijiyay in aan maamulka Prof Galayr iman karin deegaanka Dharkayngeeyo

Saleebaan Cabdi BAGAF oo kamid ah odayaasha deegaanka Dharkayn ayaa dhankiisa sheegay in kulan ay yeesheen Cuqaasha iyo Odayaasha Cabdigaraad isla qaateen in magaalada Dharkayn aysan iman karin cid ka socota maamulka Galayr.

wali wax war ah kama soo bixin maamulka Galayr oo ay kaga hadlayaan arinkan.

Puntlandes.com

About The Author