Dawladda Federaalka oo halkay jawaab ka bixin lahayd su’aalaha lasoo waydiiyey dalka ka cayrisay wakiilka UN

01 Jan 2019 (Puntlandes) Wakiilkii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa u qoray Dawladda Federaalka Soomaaliya qoraal uu ku dalbanayo faahfaahin la xiriirta sidii ay dawladdu u wajahday shacabkii ku mudaharaaday Baydhabo iyo xarigii Mukhtaar Roobow, hoos ka akhriso qoraalka oo afka Ingiriiska ku qoran.

Halkii ay dawladdu ka jawaabi lahayd su’aalahii lasoo waydiiyey, waxay soo saartay qoraal ay ku amrayso inuu dalka ka ka baxo wakiilka UN Nicholas Haysom.

Ka eryida dalka ee wakiilkii Qaramada Midoobay u qaabilsan  Soomaaliya ma aha wax sahlan, waxayna muujinaysaa fudaydkii lagu yaqaanay Villa Somalia.

Qaramada Midoobay waxaa  hoo yimaada ama ay maamushaa Ciidanka jooga Soomaaliya oo ah kumanaan ciidan ah oo suga amniga madaxda dawladda iyo goobaha muhiimka ere ay dawladu ku shaqayso.

Qaramada Midoobay ayaa dhaqaalo badan ku bixisaa dawladnimada  Soomaaliya, lama garanayo waxay ku bedelayaan madxda Villa Somalia booska Qaramada Midoobay.

Akhriso qoraalka Wakiilkii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya u q oeray Wasiirka Aniga


Halkana ka akhriso jawaabta dawladda Federaalka oo noqotay dalka ka bax

Puntlandes.com

About The Author