Aqalka Sare oo joojinaya wada shaqeynta Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka

02 Jan 2019 (Puntlandes) Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS ayaa joojinaya wada shaqeyntii uu la lahaa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo muhiim ah.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay markii Aqalka Sare uu ku guuldareystay inuu meel mariyo ama ka doodo Miisaaniyadda Sanadka 2019, kaasoo uu labo maalmood ka hor uu meel mariyay Golaha Shacabka.

Aqalka Sare ayaa joojinaya inuu hakinayo dhammaan hindise sharciyeedyada Golaha Shacabka uu soo meel mariyo, inta laga xalinayo khilaafaadka iyo tabashooyinka uu qabo ee la xiriira dhanka Guddoonka Golaha Shacabka.

Puntlandes.com

About The Author