Musharax Faarax Cali shire & Faroole oo isku dhacay, maxay tahay sababtu?

06 Jan 2019 (Puntlandes) Musharax Faarax Cali shire iyo senator Faroole ayaa  isku dhacay sida ay wawar lagu kalsoon yahay sheegayaan.

Faroole ayaa ku yiri yiri musharax Faarax Cali Shire “anagoo reer Faroole ah ayuu martin noo yahay Faarax Cali” isagoo ku abaal sheegaya inuu Wasiir ka dhigay keenayna garowe isagoo qaxooti ku ah dalka Australia.

Faroole ayaa amminsan inuu Faarax isaga magan ugu yahay Garoowe, waana sida ka muuqatay oo uu  u leeyahay  Wasiir Axmed Ciise Cawad iyo wafdiga Villa Somalia ee qaska iyo hagar  daamaynta doorashada Puntland loogu soo diray, uu u leeyahay Garowe iyagaa leh.

Senator Faroole, Xildhibaan Cali Xoosh iyo kooxda Aaran Jaan ayaa iska dhaadhiciyey inay Caasimadda Puntland ee Garowe iyaga u gaar tahay, (waa dharaar cad riyood).

Faarax cali Shire ayaa u caddeeyey Faroole inuusan magan ugu ahayd Garowe aysana jirin cid ka xigta oo uu magan uag yahay.

Xogta hoose oo ay heshay Warbaahinta Puntlandes ayaa sheegaysa in Faroole iyo kooxdiisa Aaran Jaan ay suxul duub ugu jiraan sidii ay u taageeri lahaayeen musharax Siciid Dani oo kula heshiiyeen danohooda gaar ah sida wiilka faroole oo Wsaiir laga dhigo iyo arimo dhaqaale.

Puntlandes.com

About The Author