Dhagayso: Siyaasi Saciid Uurcad “Madaxweyne Gaas Shacabka wuu marin habaabinayaa”

Eng Saciid Cabdulaahi Uurcad oo ah Siyaasi Reer Puntland ah kuna sugan Dalka Ingriiska ayaa waxa uu ka hadlay Sanad guuradii 1aad ee ka soo wareegtay markii Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas loogu doortay in uu Madaxweyne ka noqdo Puntland.

Doorashadii ka dhacday Magaalada Garowe ee Puntland, ayaa Mr Gaas waxa uu xilka kala wareegay Cabdiraxman Maxamed Faroole oo Puntland Madaxweyne ka soo ahaa intii u dhaxeysay Sanadihii 2009-kii ilaa iyo 8 dii Janaayo 2014-ka.

Eng. Saciid Uurcad ayaa ku dhaliilay in ay Dowlada Gaas ay ka gaabisay wax ka qabashada arimaha dhaqaalaha. Amaanka, Xoroyatul Qowlka iyo ilaalinta Xuduudaha Puntland. Gobolka Mudug ayuu siyaasigu tilmaamay in uu halis ku jiro ka mid ahaanshaha Puntland

Sidoo kale Saciid ayaa xukuumada Gaas waxa uu ku tilmaamay in ay ka been sheegtay balamihii ay ka qaaday shacabka Puntland, wuxuuna hoosta ka xariiqay in jiritaanka Puntland uu haatan ciriiri ku jiro aynu wado halis ah cagta saartay iminka Puntland.

Wuxuu tusaale u soo qaatay socdaalkii uu ku yimid Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo Gobolka Sanaag, iyo Maamul u sameynta Gobolada dhexe oo dhibaato ku ah Jiritaanka Puntland.

Halkan ka dhagayso waraysiga qaybta 1aad


Halkan ka dhagayso waraysiga qaybta 2aad


Puntlandes.com

About The Author