Akhriso liiska Golaha Wasiirada oo dhameystiran

 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arka ayaa ku dhawaaqay xubnaha Golihiisa Wasiirada, kadib saacado badan oo la sugayay inuu si rasmi ah u shaaciyo, iyadoo Xukuumadan mar kale la magacaabay xilli saq dhexe, si la mid ah Xukuumadii ka horeysay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in kadib markii uu garwaaqsaday baahida loo qabo gole xukuumad, isla markaana uu sameeyay wada tashiyo ballaaran oo uu la sameeyay Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka, Xildhibaanada uu soo magacaabay Xukuumad dalka gaarsiisay hiigsiga sanadka 2016.

Mr Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay inuu ka sugayo Baarlamaanka inay ansixiyaan Xukuumada cusub ee uu soo magacaabay, waxaana uu rajo ka muujiyay in Xukuumadiisa ka soo dhalaali doonto waxyaabihii loo igmaday.

Afhayeenka Xukuumada Ridwaan Xaaji Cabdiweli ayaa kadib akhriyay magacyada Golaha Wasiirada cusub oo ka kooban 25 Wasiir iyo wasiir kuxigeeno iyo sagaal Wasiiru dowlayaal.

Xubnahan Golaha Wasiirada ayaa waxaa ka dhex muuqda qaar ka mid ah wasiiradii Xukuumadii hore, waxaana intooda ugu badan ee wasiirada, wasiir kuxigeenada iyo Wasiiru dowlayaasha yihiin kuwo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Magacyada xubnaha Golaha Wasiirada iyo Wasaaradaha loo magacaabay waa sida ku cad shaxda hoos ku taal:

Magacyada Wasiirrada

1. Maxamed Cumar Carte Ra’iisul Wasaare Ku Xigeen
2. Faarax Sheekh Cabdulqaadir Maxamed Wasaaradda Caddaaladda
3. Axmadey Sh. Mukhtaar Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta
4. Cabdikariin Xuseen Guuleed Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka
5. Xuseen Cabdi Xalane Wasaaradda Maaliyadda
6. Maxamed Sh. Xasan Xaamud Wasaaradda Gaashaandhigga
7. Cabdirixman Ducaale Bayle Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Dhiirigalinta Maalgashiga
8. Cabdullahi Maxamed Cali Wasaaradda Amniga Gudaha
9. Cabdullahi Axmed Jaamac “Ilkajiir” Wasaaradda Waxbarashada
10. Yusuf Macalin Amiin Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda
11. Maxamud Cali Magan Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga
12. Cabdiqadir Cabdi Xashi “Gaabane” Wasaaradda Arimaha Dastuurka
13. Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” Wasaaradda Korontada iyo Biyaha
14. Mustaf Sh. Cali Dhuxulow Wasaaradda Warfaafinta, Hiddaha & Dalxiiska
15. Cabdullahi Sh. Ismaacil Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada
16. Maxamed Cumar Caymooy Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
17. Cabdalla Boos Axmed Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta
18. Xuseen Maxamed Sheekh “Badni” Wasaaradda Beeraha
19. Ducaale Aaden Maxamed Wasaaradda Sportiga iyo Dhalinyarada
20. Cabdiraxman Cabdi Cusmaan Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha
21. Nadifo Maxamed Cusman Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska
22. Khadiija Maxamed Diriye Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska
23. Maxamed Mukhtar Ibrahim Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda
24. Daauud Maxamed Cumar Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka
25. Abuukar Cabdi Cusman “Mardadi” Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa
26. Saciid Xuseen Ciid Wasaaradda Caafimaadka

Magacyada Wasiiru Dawlayaasha

1. Cabdullahi Yusuf Alankey Wasaaradda Amniga Gudaha
2. Maxamuud Hayir Ibrahim Madaxtooyada
3. Khalid Cali Cumar Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka
4. Maxamed Adan “Fargeti” Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Dhiirigalinta Maalgashiga
5. Maxamed Cali Xagaa Wasaaradda Gaashaandhigga
6. Cabdullahi Maxamed Nuur Wasaaradda Maaliyadda
7. Xasan Maxamed Jimcaale Wasaaradda Arimaha Dastuurka
8. Burci Maxamed Xamza Wasiiru Dawlaha XRW Arrimaha Bay’adda
9. Caadil Sheegow Sagaar Xiriirka Baarlamaanka

Magacyada Wasiir Ku-xigeenada

1. Cabdullahi Bile Nur Wasaaradda Caddaaladda
2. Cabdiraxman Kulmiye Xirsi Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta
3. Saacid Xaji Maxamuud Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka
4. Fahma Axmed Nur Wasaaradda Maaliyadda
5. Cabdalla Xuseen Cali Wasaaradda Gaashaandhigga
6. Mahad Maxamed Salad Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Dhiirigalinta Maalgashiga
7. Ibrahim Yarow Isaq Wasaaradda Amniga Gudaha
8. Xaamud Cali Xasan Wasaaradda Waxbarashada
9. Yusuf Xayle Jimcaale Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda
10. Sharif Maxamed Xasan Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga
11. Xaji Cali Sh. Maxamed Nur Wasaaradda Arimaha Dastuurka
12. Maxamed Kheyrow Maxamed Wasaaradda Korontada iyo Biyaha
13. Cabdullahi Colaad Rooble Wasaaradda Warfaafinta, Hiddaha & Dalxiiska
14. Xirsi Adan Rooble Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada
15. Maxamed Cumar Geedi Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
16. Cabdishakur Cali Mire Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta
17. Cabdirashid Maxamed Xiddig Wasaaradda Beeraha
18. Jamaal Xasan Ismaacil Wasaaradda Sportiga iyo Dhalinyarada
19. Sacdiya Careys Ciise Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha
20. Cusman Libaax Ibrahim Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska
21. Mumina Sh. Cumar Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska
22. Saciid Jamac Maxamed Qaalib Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda
23. Maxamed Axmed Abtidoon Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka
24. Cabdikarin Cige Guuleed Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa
25. Dr. Cusman Maxamud Dufle 

About The Author