DEG DEG JABIYE OO QAYBINAYA LACAG UGA TIMID FARMAAJO

07 Jan 2019 (Puntlandes) Kooxda ka talisa Villa Somalia ee Nabad iyo Nolol oo indhawaalaba doon doonaysay Lafta Gareen-ka Puntland oo xalay kula heshiiyey $1.3 malyan musharax Siciid Cabdulaahi Dani ayaa caawa uga baxay oo lacag farabadan ku harwqiyey musharax Maxamuud Khaliif Jabiye.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo  ayaa caawa, oo ah habeen ay soo galayso talaado oo ay berri tahay maalintii uu Baarlamaanka Puntland dooranayo madaxweynaha Puntland, u diray musharax Jabiye lacag dhan $2 malyan oo uu ku gato cododka Xildhibaanada sida Warbaahinta Puntlandes ka ogaatay  Villa Somaila.

Farmaajo ayaa  musharax Jabiye ka saxiixay sharuudihii uu ka saxiixay Siciid Dani oo uu xalay kula heshiiyey inuu gacanta u gelinayo $1.3 malyan, waxayna yihiin sharuuduhu:

  • Inuu kala diro ciidan Tukaraq difaaca uga jira ee Puntland, si sharci ahna ugu wareejiyo Somaliland gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.
  • Inuu Joojiyo dhismaha dekedda Garacad, kuna daro gobolka Mudug qaynta Puntland maamulka Galmudug sidii uu saxiixay Markii uu ahaa wasiir ka Qorshaynta.
  • Inuu Puntland hoos geeyo Nabad iyo Nolol uuna u qaabil sanaan doono Fahad Yaasiin.
  • Inuu taageero una aqoonsado madaxweynaha Galmudug garabta Cadaado ee Baasto hogaamiyo.
  • Inuu qayb ka noqdo in shacabka Soomaaliyeed loo tuso inuusan federaalku u fiicnayn , ugu dambayna laga takhaluso federaalka uuna kala shaqeeyo sidii loo baa’in lahaa Federaalkii soomaalidu ku heshiisay.
  • Inuu taageero in xoog lagu maquuniyo madaxweynaha sharciga ah ee Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe)

Musharax Jabiye ayaa dhamaan sharuudahan aqbalay, isagoo sheegay sidii Dani inuu daacad u yahay Nabad iyo Nolol.

 

Puntlandes.com

About The Author