Dhagayso: Dowladda Puntland oo si rasmi ah u furtay Kastamkii canshuuraha ee kuyaala xadka Itoobiya

Galdogob (Pes) Dowladda Puntland ee uu hogaamiyo Cabdiwali Gaas ayaa markii ugu horeysay Kastam ka furtay tuulada Tuurdibi oo ku taala xadka u dhexeeya Puntland iyo dowladda Itoobiya sida uu sheegay gudoomiyahaa rugta ganacsiga Puntland oo katirsan wafti Puntland oo saakay gaaray halkaas.

Gudoomiyaha rugta ganacsiga ayaa sheegay Cabdiraxmaan Warsame Jaamac oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay inay ganacsatada Puntland in badan ku taamayeen in la furo Kastamkaan oo uu sheegay inuu ka qeyb qaadanayo kor uqaadida ganacsiga iyo maalgashiga Puntland.

Wuxuu sheegay Gudoomiye Cabdiraxmaan inay dowladda Puntland ku ammaanan tahay guusha ay ka gaartay weyn furitaanka xaruntaan.

Waxaa kaloo isna hadel ka jeediyey Wasiirka arimaha gudaha dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash isagoo u mahad celiyay bulshada Degmada Galdogob oo uu ku ammaanay inay door weyn ee ay ka qaatay nabadgalyada.

Dhageyso


Puntlandes.com

About The Author