Qaar ka mid ah Aqoonyahana PL oo soo dhaweeyey Golaha Wasiirada cusub

Qaar ka mid ah Aqoonyahana Puntland ayaa gacmo furan ku soo dhaweeyey Golaha Wasiirada cusub ee uu xalay saamalaylkii (saqdii dhexe) magacaabay Raysul Wasaaraha Soomaaliya  mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arka.

Inkastoo uu hal wasiir ka dhacay Puntland madaxweyne Xasan hadana waxaa aad loo soo dhaweeyey Wasaardaha aadka muhiimka u ah ee ay Puntland  ka heshay Golaha Wasiirada cusub waxaana mahadaa iska leh Raysul Wasaaraha oo garowsan waxa ka horeeya iyo meesha uu hiigsanayo.

Wasaarada koowaad ee ugu awooda iyo shaqada badan waxaa wasiir looga dhigay Aqoonyahan ka soo jeeda Puntland Cabdiqaadir Cabdi Xaashi. Wasaaradani waa tan kaliya oo aadka u shaqaynaysa hada ka dib waana tan hirgalinaysa Hiigsiga 2016. Waa wasaaradii markii uu Faarax ka wareejiyey uu xilka ku waayey Raysul Wasaarihii hore. Waa Wasaaradda Dastuurka waa meesha ay Soomaaliya ka bugto waxaana loo dhiibay nin ka bixi kara.

waxaa kale oo Puntland heshay laba wasaaradood oo aad iyana muhiim u ah, Puntland na lagu carqaladayn jiray kuwaas oo ah Wasaaradda Waxbarashada iyo Wasaaradda Caafimaadka. Waxaana loo kale magacaabay rag aad karti u leh oo reer Puntland ah kalana ah Cabdullahi Axmed Jaamac Ilkajiir iyo Siciid Xuseen Ciid.

Falanqayn iyo faahfaahin kala soco Puntlandes.com

Puntlandes.com

About The Author