Falanqayn: Raysul Wasaare Sharma’arke oo Wasiiro culus u magacaabay Puntland

1399

Ra’iisul wasaaraha Dowladda Federaaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid oo xalay saqdii dhexe ku dhawaaqay Golihiisa wasiirada, ayaa Golihiisa waxaa ku jira 4 Wasiir oo ka soo jeeda Puntland.

1403

Daa’uud Maxamed Cumar Wasiirka Macdanta iyo Batroolka

Waxaa kaloo ku jira rag badan oo ka socda dhinaca madaxweyne Xasan iyo Kooxdiisa Dam Jadiid. 4 ta Wasiir oo Puntland ka soo jeeda mid waa Dam Jadiid oo waxaa la saadaalinayaa in madaxweyne Xasan iyo Kooxdiisu keensadeen. Wasiirkaas waa Daa’uud Maxamed Cumar waxaana mar kale loo magacaabay Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka. Daa’uud wuxuu Puntland ka soo qabtay Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka caalamiga ee Xukuumadii Faroole. Wasiirkan intii uu ka mid ahaa Xukuumadii hore ee RW Cabdiwali wuxuu Puntland iyo Shacabkeeda ku ahaa Carqalad ku horgudban hadana waa la filayaa shaqadii uu u hayey madaxweyne Xasan iyo Kooxdiisa Dam Jadiid in uu sii wado inkastoo ay ku adkaan doonto marakan.

1402

Dr Cabdulqaadir Cabdi Wasiirka Dastuurka

Wasaarada ugu muhiimsan dhawr iyo tobonka bilood ee u harsan waqtiga dawladaan uu hogaamiyo madaxweyne Xasan waa Wasaarada Dastuurka. Wasaaradan aadka muhiinka u ah wuxuu Raysul Wasaare Sharma’arke u dhiibay aqoonyahan reer Puntland ah Dr Cabdulqaadir Cabdi, oo soo noqday Wasiirul Dawlaha Qorshaynta iyo Xiriirka caalamiga Puntland ee Xukuumadii Faroole. Wasaaradani waa Wasaarada ugu awooda iyo shaqada badnaan doonta inta u harsan dawladan. Waa Wasaarada u xilsaaran ilaalinta Dartuurkii lagu heshiiyey iyo Dhamaystirkiisa iyo gaaritaanka Hiigsiga 2016. Dr Cabdulqaadir waa nin si sharaf leh uga soo bixi kara shaqadan.

1400

Gen. Cabdullaahi Axmed Jaamac Ilka-jiir Wasiirka Waxbarashada

Wasaarada Wabarashada wuxuu Raysul Wasaare Sharma’arke u dhiibay Gen. Cabdullaahi Axmed Jaamac Ilka-jiir wuxuu Puntland ka soo noqday Wasiirka Arimaha Gudaha ee Xukuumadii Faroole. Wasaaradani aad ayey Puntland muhiim ugu tahay maadaama laga Carqaladayn Puntland na ay wax badan ka cabatay.

1401

Saciid Xuseen Cabdi Ciid Wasiirka Caafimaadka

Ugu dambayn wuxuu Raysul Wasaare Sharma’arke u dhiibay Wasaarada Caafimaadka Saciid Xuseen Cabdi Ciid oo ahaan jiray Gudoomiyiha Rugta Ganacsiga Puntland. Wasaaradan iyana aad bay u miisaan culus tahay wuxuuna Wasaare Sharma’arke u dhiibay nin ka soo bixi kara.

Raysul Wasaare Sharma’arke wuxuu kaloo Golaha Wasiirada ku soo daray rag badan oo madaxweyne Xasan Kooxdiisa Dad Jadiid ka tirsan sida:

  1. Xuseen Cabdi Xalane Wasiirka Maalliyadda
  2. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud Wasiirka Gaashaandhigga
  3. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Arrimaha Dibadda
  4. Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Yusuf Macalin Amiin
  5. Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed Wasiirka Caddaaladda
  6. C/kariin Xuseen Guuleed Wasiirka Arrimaha Gudaha & Arrimaha Federaalka
  7. Ducaale Aadan Maxamed Wasiirka Hiddaha & Tacliinta Sare
  8. Daa’uud Maxamed Cumar Wasiirka Macdanta iyo Batroolka
  9. Eng Nadiifo Maxamed Cusmaan Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska

Wasiiru Dowlayaasha dib u soo laabtey

  1. Maxamed Cali Xagaa Wasaaradda Gaashaandhigga
  2. Cabdullahi Maxamed Nuur Wasaaradda Maaliyadda
  3. Burci Maxamed Xamza Wasiiru Dawlaha XRW Arrimaha Bay’adda

Wasiir Faarax waxaa iminka Raysul Wasaare Sharma’arke u dhiibay Wasaarada Cadaalada kolkii hore markii uu Raysul Wasaarihii hore damcay in uu ka qaado Dastuurka waxay keenya in uu xilkiisii ku waayo maxaa yeelay Dam Jadiid waxay diidanayd in ay lumiso Awooda Wasaarada Dastuurka, Iyadoo siday rabto ugu tumanausay Dastuurkii ummadda Soomaaliyeed ku sheshiisay. Dawlada Raysul Wasaare Sharma’arke way lumisay Kooxda Dam Jadiid Awoodaa. Somalia waxay ku jirtaa unkid dawladnimo wax shaqo ah oo ka socda Gaashaandhig iyo A/dibad iwm ma jirto, an ka ahayn safaro iyo shirar.

Puntlandes.com

About The Author