Dhagayso: Raysul Wasaare Sharmarke ”Xukuumad Dheelitiran ayaan Dhisay”

Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Sharmaarke ayaa waxaa waraysi kulul la yeeshay idaacada VOA kaasoo ku saabsan Golaha Wasiiradda ee uu soo magacaabay, isagoo sheegay inay tahay mid dheelitiran oo ay ku jiraan xubno kala matalaya dhinacyadii siyaasadda isku hayay.

Raysul Wasaare Sharmaarke oo wareysi gaar ah siiyay ayaa sheegay in sababta uu u soo magacaabay qaar ka mid ah wasiiradii xukuumaddii hore ay tahay inaysan hakad galin howlihii muhiimka ah ee socda maadaama wakhtiga dowladda u haray ay yar tahay. RW Sharmaarke ayaa sheegay inuu la fadhiisan doono xildhibaannada diidan xukuumaddiisa kana qancin doono waxay tabanayaan.

Raysul Wasaare Sharmaarke ayaa sheegay inuu ku rajo weyn yahay in ay xukuumadda cusub heli doonto kalsooda baarlamaanka.

Dhagesyo wareysiga RW Sharmaarke. iyo Xildhibaanada diidan wasiirada uu magaacabay


Puntlandes.com

About The Author