Waxaa la gaaray markay reer Mudug oran lahaayeen ”Shuushoow bax” oo ay iska hordhaqaajin lahaayeen Kooxda Gaadayare?

Gaalkacyo (Pes) Waxaa Gobolka Mudug iyo Xaruntiisa Gaalkacayo ku amarku taaglaynayey dhawr iyo labaatankii sano ee u dambeeyey Koox uu inimka Hogaanka u hayo Xisaabiyaha Guud ee Maaliyada Gobalka Mudug ahna Xisaabiyaha ”Idman” Mr Maxamuud Cali Yusuf Gaadayare (Boqorka Mudug) uuna iminka ninka labaad ka yahay Mareeyaha Abdulahi Yusuf International Airport Siciid Cabdiraxmaan Yuusuf Dhagaweyne halka uu kan sadexaad ka yahay Gaadayare walaalkiis Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab.

Waxaynu qormadaan ku ifinaynaa nimankaan hogaansha Kooxdan Gobolka Mudug Horumar iyo Xasilooni u diiday inta ay ku hor gudbanaayeen Gobolka Mudug iyo Xaruntiisa?

Mareeyaha Abdulahi Yusuf International Airport Mr Dhagaweyne

699

Waxa uu Cabdulaahi Yuusuf AUN magacaabay bartamihii sanadkii 1991 dii isagoo u magacaabay Mareeyaha Abdulahi Yusuf International Airport. Ilaa iyo hada waa Mareeyaha Airportka cajiib!

1359

Terminalka Abdulahi Yusuf International Airport

Mr Dhagaweyne xilkan waxa uu hayaa 23 sano iyo 7 bilood oo u dhiganta 8590 maalmood!! Sabab? Ma shaqo fiican oo uu qabtay ayuu ku mutaystay? Ma qof kale oo dhaamaa la waayey? Jawaabtu waa maya shaqo fiican iska daaye wax uu qabto ma jirto in uu Dhaqaalaha leexsado maahee Fiiri Terminalka Airportka, faahfaahin halkan riix. Waxa kaliya oo uu meesha ku jogaa waa Musiqmaasuq iyo Kooxdiisa oo ku taqasustay sida Shacabka Mudug loo isticmaalo

 

Xisaabiyaha Guud ee Maaliyada Gobalka Mudug Mr Gadayare

1371

Waxa uu Cabdulaahi Yuusuf AUN magacaabay bartamihii sanadkii 1999 kii isagoo u magacaabay Xisaabiyaha Guud ee Maaliyada Gobalka Mudug. Ilaa iyo iminka waa Xisaabiyaha Guud ee Maaliyada Gobalka Mudug cajiib!

Mr Gaadayare xilkan waxa uu hayaa 15 sano iyo 7 bilood oo u dhiganta 5670 maalmood!! Sabab? Ma shaqo fiican oo uu qabtay ayuu ku mutaystay? Ma qof kale oo dhaamaa la waayey? Jawaabtu waa maya laakiin Gaadayare Waxa uu ku taqasustay sida Shacabka Mudug loo isticmaalo, laysaga horkeeno, loona abuuro xaalado halis ah….

Gaadayare Walaalkiis Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab

1353

Wuxuu ahaa hogaamiyihii hore ee kooxdan Gobolka Mudug Carqalada ku ah inkastoo uu iminka yahay ninka sadexaad. Mr Gaagaab wuxuu sal dhigtay Gobolka Mudug Kooxdana uu abuuray markii Xukuumadii Diktatoorkii AUN Siyaad Barre dhacday bilowgii 1991 ilaa iyo watigaa ilaa Xukuumadii madaxweyne Cadde marba xilk ayuu ku magacawnaa laakiin wuxuu ahaa hogaamiyaha Kooxdan iminka walaalkiis Gaadayare Hogaamiyo. Markii Faroole madaxweyne noqday jan 2009 ilaa iyo iminka wuxuu fadhiyaa Gaalkacyo isagoo saxaafada ka sheegta ”Siyaasi, Madaxweyne ku xigeen hore IWM” laakiin xilka rasmiga ah oo uu hayaa waa ninka sadexaad ee Kooxda Walaalkiis Gaadayare hogaamiyo. Mr Gaagaab wuxuu hortaagan yahay shacabka Mudug 23 sano iyo 9 bilood, Cajiib!!!!

Siday ka dhigtay Kooxdani Gobolka Mudug

Kooxda Uu Hogaamiyo Mr Gaadayare waxay ka dhigeen Gobolka Mudug iyo xaruntiisa Gaalkacyo meel Musuqmaasuq, meel aan dawladnimo ka jirin, meel aan nabadgalyo ka jirin, meel ninwalbaa sheegto, meel aan Horumar ka jirin , meel aan xasiloonayn IWM. Hadaba su’aal ay reer Mudug in ay iswaydiiyaan ay tahay waa maxaa Gobolka Mudug iyo xaruntiisa Gaalkacyo ka duway Gobolada kale iyo magaalooyinka kale? Waa maxay sababta koox yari ugu amark u taaglayso? Aaway dadkii Gobolka lahaa?

Waxaa la gaaray waqtigii ay dadka Gobolka Mudug iyo xaruntiisa Gaalkacyo kici lahaayeen, oo dadtooda u istaagi lahaayeen si isku duubni ah. Waxaa la gaaray waqtigii ay shacabka Gobolka Mudug iyo xaruntiisa Gaalkacyo iska hor dhaqaajin lahaayeen Gaadayare, Gaagaab, Dhagaweyne iyo kooxdooda. Waxaa dhawaan ku soo wajahan Gobolka Mudug iyo xaruntiisa Gaalkacyo madaxweyne Gaas waa in waxa ugu horeeya noqotaa in Kooxdan Mudug la hartay laga hor dhaqaajiyo.

puntlandes@gmail.com

Puntlandes.com

About The Author